Dib U Dhiska Xaadaarada Islaamka.Soo jeedintii: Wadaax Khanfar: Tabintii: Axmed Cali kaahin.

Friday October 17, 2025 - 17:20:06
hadhwanaagnews
Dhinaca kale Siday bay suurta gal iigu tahay in aan u fikiro bulsho

Soo jeedintii: Wadaax Khanfar: Tabintii: Axmed Cali kaahin.

Maanta waxa aan isku dayi-doonaa ka jawaabida su’aashan iyada oo ay jiraan xaalado sida qaab fikirka jiilasha cusub iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee ay waajahayaan iyo awoodaha is habaynaya ee dagdaga u horumaraya. Sidaa daraadeed ma jirtaa caalamka carabta iyo caalamka Islaamka ee maantu awooda garasho oo ah aragtida gun dheer oo waaqaca waajahaysa, si aan u waajahno waaqaca cusub si aan u bilawno una diyaarino wax-yaabo cusub oo lagu qoraayo qaabayn cusub oo ah aragtida iyo tusaalooyin hadda jirta si loo gaadho horumar dhab ah oo waara.

Haddaan su’aasha dul istaagno haa way jiraa awooda garasho, balse qaabka aan u fikirayno waxa ku jira su’aalo oo u jeedadu tahay waxaan noolayn casrigii aragtiyaha, aragtiyuhuna waxay ku siinayaan xaalad baraarug yaanu noqon mid dhab ah baraarugaasi oo aan sugnayn intaa ka dib waxa jiray maqnaansho aragtiyeed iyo xaalad kala daadsanaan iyo ugudubka dagdaga ah ee kala duwanaansho dhaqaale iyo mid farsamo iyo jiilal isku dhafan.

Dhinaca kale Siday bay suurta gal iigu tahay in aan u fikiro bulsho anoo ka hadlaaya dhinaca umad si loogu aas aaso hal-kudheg ama baytul qasiid sida nuxurka bulsho oo awood u leh in uu ka jawaabo su’aasha ah awooda dhisida xaalad cusub oo dunida Carabta iyo Islaamka ah. Waaqacan cusub ee bulsho iyada oo aanu jirin aragti fikir sidee baan u awoodnaa in aan dhisno tiirarka caawinaaya aragtidu waa mid ka mida kuwa ugu culus. Balse aragtiyuhu waxay abuuraan kala duwanaansho bulsho waxa kale oo ay sababaan loolamo, doodo iyo gadgadoomo iyo arrimo badan oo kale maadaama la doonayo in aragtidu guulaysato.

Hadda imika aragtiyuhu qiyaastii badankoodu aad bay dib u dhaceen aragtiyahaasi mana haysano aragtiyo haba jiraan waa qaabkii xisbiyada gaboobay ee jira waxaan leenahay ururada fikradeed balse maaha aragti gun dheer oo dhuuxa taabanaysa balse ku nool xaalad isbadal ah oo u gudbaysa xaalada ay ku jirto maahee xaalad kale waxa saamayeeaya waxa dunidan saameeyay lakiin ilaa hadda may dhisin wax isbadal cusub ah oo lagu badalo qaab fikirkii hore. Halka qaar magacoodu yahay wax madxaf yaala, halka qaar ay doonayaan in ay dib iskugu qaabeeyaan qaab-kooda hadda jira.

In kasta oo badi jiilka cusubi ee dhalinyarta ahi maaha mid u diyaarsan qaabkii hore ee qadiimka in looga baaqo maadama qaabka fikirkoodu isku dhafan yahay, kana duwan yahay kii hore taasi oo fikirkoodu ka duwan yahay qaabka loogu baaqayo oo ah kii qadiimka ahaa ee hore. Maadaama baaqu yahay mid isku dhex jira oo cufan aan hayn mid midaysan oo qaabaysan sidii uu hore u ahaan jiray umadan waa in qaabka baaqu la jaan qaado jiilka cusub curintooda iyo fkirkooda.

Sidaa daraadeed Inaga oo taasi ku dhisayna aan eegno waxa ay waddaagaan waxa jira afar aqoon yahan la noolaa xaalado gad-gadoon oo isbadal ah waxa taa iska waydiiyay maanta maxaa raad ku yeeshay maskax-dooda oo dagay iyada oo ay jirto isbadala juquraafi siyaasadeed ee saadaalinta mustaqbalka arrinta ugu horaysaa ee aan arkay waa waxa qalbiyadooda dagay in uu ahaa in xaga wadda jirka loo dhaqaaqo taasi waana qodob aad muhiim u ah.

Dhab ahaantii waxa aan arkaa in taariikhdeena sooyaal ee Islaamku dhamaan waxa jira laba garab, garabka koobaad waxa uu inoogu yeedhayaa wadda jir, Mar kasta oo kaasi xoogaysto waxa awoodaysta umada waxa badanaya danaha dunida ay ku leeyihiin waxa kale oo quwad yeesha dhaqaalaha iyo nolosha dadka dhinaca dhaqaalaha caadiga ah waxa adkaanaya is hay’sashada iyada oo ay yaraanayso khilaafka dhexdoodu waa aragti garab aaminsan yahay taasi.

Dhinaca kale waxa taagan garab aaminsan kala gooni ahaanta mar kasta oo uu awoodaysto garabka gooni ahaatu waa marka aynu ka shaqayno ismaan dhaafka faraca ah waana marka ay googo’do isku dhafnaanta dhismaha bulsho ee kala duwan waxa bilaabma loolamo fikir,aragtiyeed, iyo qaabab kale sidaa oo kale waxa wiiqma dhaqaalaha iyo nolosha waxa hoos u dhaca meeqaamka aan ku leenahay dunida.

Fahamka halkaa waxa yaala laba aragtiyood oo kala duwan oo badi oo labadaa garab kala aaminsan yihiin. Ka midnimada wataa sida caadada u ah waa is xabaarsanaan, is dhamaystirka iyo isku milanka kaasi oo aan ku soo noolayn 1400 ee aynu soo dhaafnay taas oo uu soo maray wareegyo kala duwan oo badan.

Taasi oo halka garabka kale ee kala gooni ahaantu oo isna aan ku soo noolayn waraagyo badan. Markaad taariikhda baadhayso marka kasta oo uu jiro garab ummada ugu yeedhaya in wada jirku waa marak aan ku jirno xaalad kor u socod. Mar kasta oo uu jiro garab ugu yeedhaya gooni ahaantu waa marka aan googa’ayno taasi oo awoodo kala gaara la dhisaayo kaasina yahay mid dhexe oo awoodiisu liidato waa marka aan bilaabayno in aan quusno oo dib u noqono una yeedhano gumaysiga iyo in mid kale dhulkeena qaato.

Arrimahaasi waa waana waxa dhacay qarnigii tagay ee Falastiin lagu waaayay markaan qaybo kala gaara dhisayna waana masalo laf dhabar ah. Midkasta oo doonaya in uu ka fikiro tusaale midaynaya oo mustaqbalka Muslimiinta ah waxa waajiba in uu ka fikiro in qaab kani u qalmo in uu damaanad qaadayo xaalad wadda noolaansho oo is dhamaystiraya oo wadda jir ah, oo aan ahayn xaalad is qabsasho iyo afduub qolo wadato oo ah ta keentay kala furfurnaanta hore mid kastaana arrimo gaar u ah buu lee yahay oo khuseeya saadaasha musqabal ee dhaqaalaha iyo aragtida guud ee bulshada taasi oo keenaysa kala fogaanta iyo kala daadsanaata iyo is maan dhaafka madaahibta iyo ta kooxaha taasi waxa keenaya marka qolo doonto in ay af duubto dhinaca kale. Q/2aad…. Waa aragtida gaar ka ah ee uu ku eegayo Waddaax Khanfar maaha aragitda tabiyaha.

Soo jeedintii: Wadaax Khanfar: Tabintii: Axmed Cali kaahin. [email protected]

 

 

 

 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...