hadhwanaagnews

Siyaasi Maxamed Cali Daarood ayaa saaka booqasho ugu tegay xarunta Hoggaanka Baadhista Dambiyada (CID), halkaasi oo uu kula kulmay Suldaan Axmed Muuse (Suldaan Qabile) oo shalay xabsiga loo taxaabay.
Maxamed Cali Daarood ayaa sheegay in uu saaka aroortii hore ku booqday Suldaan Qabile xarunta CID, isla markaana uu xog-waraysi la yeeshay, isagoo uga mahadceliyay masuuliyiinta Hoggaanka Baadhista Dambiyada fursadda ay u siiyeen booqashadaasi.
Sidoo kale, siyaasiga ayaa ugu baaqay hay’adaha cadaaladda iyo laamaha dowladda in Suldaan Qabile xorriyaddiisa dib loogu soo celiyo, isagoo carrabka ku adkeeyay in arrintaasi si sharci iyo caddaalad ku dhisan loo wajaho. Hadalkan ayaa imanaya xilli ay weli socdaan hadal-heyn iyo falcelinno la xiriira xarigga Suldaan Qabile.