hadhwanaagnews
Bali Mataan – Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir ayaa bulshada deegaanka Bali Mataan ugu baaqay inay mudnaan siiyaan horumarinta waxbarashada, isagoo sheegay in aqoontu tahay astaanta ugu weyn ee lagu garto bulshada deegaanka.
Xildhibaanka ayaa xusay in reer Bali Mataan lagu yaqaan jacaylka waxbarashada, isla markaana ay tahay arrinta ay kaga duwan yihiin deegaanno kale.
"Reer Bali Mataan waxa ay dadka kale kaga tilmaaman yihiin oo ay kaga duwan yihiin waxbarashada,” ayuu yidhi.
Waxa uu sidoo kale bulshada ku dhiirrigeliyey inay ka shaqeeyaan horumarinta dugsiga boodhinka ee deegaanka, isaga oo tilmaamay inuu yahay saldhigga lagu gaadhi karo horumar waara.
"Dugsiga boodhinka ee halkan ku yaalla waxa la rabaa inaad horumarkiisa ka shaqaysaan. Haddii aynu soo saarno dad aqoon leh oo wax taraya, meeshani isbeddel weyn ayay samayn doontaa,” ayuu sheegay.
Gebagebadii, Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir ayaa ballanqaaday inay garab istaagi doonaan dadaal kasta oo lagu horumarinayo waxbarashada iyo adeegyada bulshada ee deegaanka.
"Annaguna wixii arrin iyo adduun ahba diyaar baanu idiinla nahay,” ayuu yidhi.