Dr. J. Peter Pham ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulankii
Xubno kala socday dalalka Maraykanka Iyo Ingiriiska kulan la xidhiidhka Qadiyada Aqoonsi Raadinta Somaliland ku yeeshay Magaalada London.
Waxa kulan la xidhiidha taageerada qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay magaalada London ee dalka Ingiriiska Dr. J. Peter Pham oo ah diblomaasi hore oo Maraykan ah iyo Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan baarlamaanka UK.
Dr. J. Peter Pham ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulankii uu la yeeshay Sir Gavin Williamson oo uu xusay inay wadaagaan taageerada iyo xushmada ay u hayaan madaxbannaanida Qaranninada Jamhuriyadda Somaliland.
Dr. J. Peter Pham wuxuu xusay in ay Xildhibaan Gavin Williamson is weydaarsadeen fikrado la xidhiidha isbeddellada suurtogalka ah ee siyaasadda Maraykanka iyo Ingiriiska ee ku wajahan Jamhuuriyadda Somaliland.
Dr. J. Peter Pham iyo Sir Gavin Williamson ayaa labaduba ka mid ah saaxiibbada caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay labadooduba u ololeeyaan sidii JSL ay aqoonsi rasmi ah uga heli lahayd dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka.