1. Hala-abuurka iyo mala-awaalka ( creativity and imagination)
Waydiintan waxa aynu kaga warcelinaynaa afar cashar oo inna barayo Albert Einstein, oo ah mid ka mid ah dadkii ugu garaadka badnaa ee sooyaalka soo mara.
Waxa ay ugu yeedhaan: caqligii ugu waynaa ee dunidda soo mara!
1. Hala-abuurka iyo mala-awaalka ( creativity and imagination)
Wuxuu yidhi Albert Einstein: " calaamadda dhabta ah ee garaadbanidu maaha aqoonta, laakiin waa mala-awaalka".
Marka aynu waydiinno, sidee carruurtadayadda uga dhigi karnaa kuwo garaad badan?
Bal aynu soo xiganno hadalkiisii ahaa, " haddii aad doonayso inay carruurtaadu noqdaan kuwo garaad badan, u akhri sheeko baraleyda. Haddii aad rabto inay noqdaan kuwo intaa kasii garaad badan , u akhri sheeko baraleyda ".
Sheeko-baraleydu ( fairly tales ) waa sheekooyin mala-awaal ah oo ku sahabsan waxyaalo abuuris dahsoon oo abuuris sare leh sida jinka, shaydaanka iyo rooxaanta.
Sidee loo horumariyaa hala-abuurka?
• Raac xiisahaaga.
• Samee qalad.
• Horumari muruqa fikradaada. Maalin kasta tababbar ku samee.
• Mala-awaalku waa awood.
2. Adkeysi la'aan waa qiimo la'aan
Wuxuu yidhi Albert Einstein, " arrintu maaha in aan anigu maskax badanahay, keliya waa inaan dhibaatooyinka joogto u ahaado waqti dheer ".
(Waxaa joogto ugu noqdaa, si u xalliyo dhibaatooyinka) Geesinnimaduba waa inyar oo cagaha dhulka kusii hayso; yacni waa adkeysi lahow.
Sidee loo horumariyaa adkeysiga?
• Diiradda saar dhibta.
• Ha is-dhiibin!
• Diyaar u ahow inaad qalad samayso.
• Aqoontu waxa ay ka timaaddaa waaya-aragnimada; dhibaatooyinka nolosha.
3. Naf-ogaal : inaad taqaan waxyaabaha aad ku fiican tahay iyo waxyaabaha aad ku liidato .
Albert Einstein, wuxuu yidhi, "Qof walbaa waa cabqari ( kasdoor) haddiise aad kalluunka ku qiimaysid awooddiisa geedo fuulka, wuxuu noloshiisa oo idil ku qaadanayaa isagoo aaminsan inuu doqon yahay.
Sidee loo horumariyaa naf-ogaalka?
• Ha filanin najiijo ka duwan.
Tusaale, haddii annad ku fiicnayn xisaabta, raadi fursad kale; qof waliba maaha orodyahan heerka olybikada ugu sareeya (Olympic athlete!)
• Noqo qof madaxbanaan, hormood ah ama hoggaamiye ah, ha na noqon mid dameeri dhaan raacday ah.
• Diyaar u ahow inaad qalad samayso, laakiin degdeg u sax qaladka.
4. Awoodda aad u leedahay isbaddal .
Albert Einstein , hal-ku-dhigiisii waxaa ka mid ahaa, " Qiyaasta cagligu waa awoodda isbaddalka"
Sidee wax loo baddalaa?
• Ku bilow dhammaadka maskaxda. Qor natiijada soo baxaysa.
• Wax ka baro dadka ku fiican. Raadi tababbare ama la-taliye hore kuu riixa ama ku haga.
• Ha kugu xeernaadaan dadka wanaagsan .
Qalinkii: Hector Quintanilla
W/T: Maxamed Haybe Axmed