hadhwanaagnews
Sarkaal sare oo hore uga tirsanaa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Kenneth P. Ekman, ayaa sheegay in Mareykanka iyo xulafadiisu ay si weyn ugu baahan yihiin dekedda Berbera, maadaama ay tahay fursad istiraatiiji ah oo muhiim u ah gobolka Geeska Afrika.
Kenneth P. Ekman oo wareysi siiyay Telefishanka FOX News ayaa sheegay in inkastoo Mareykanku si wanaagsan uga faa’iidaysto saldhigga militari ee Jabuuti, haddana uu jiro tartan xooggan oo dhinaca saamaynta ah oo kala dhexeeya Shiinaha.
"Inkasta oo uu Mareykanku si wanaagsan u isticmaalo saldhigga Jabuuti, haddana isticmaalkaasi waa mid keliya oo ay kula tartamayso joogitaanka Shiinaha ee dalka Jabuuti,” ayuu yidhi Kenneth P. Ekman.
Waxa uu tilmaamay in helitaanka dekedda Somaliland ay Mareykanka iyo xulafadiisaba siinayso fursad cusub oo muhiim ah, gaar ahaan marka la eego xaaladaha amni iyo loollanka istiraatiijiga ah ee gobolka.
"Helitaanka dekedda Somaliland waxa ay dowladda Mareykanka iyo xulafadeedaba u tahay fursad kale oo muhiim ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Sarkaalkan hore ee AFRICOM ayaa sidoo kale si cad u sheegay in dekedda Berbera ay tahay goob ay si dhab ah ugu baahan yihiin Mareykanka iyo saaxiibadiisu.
"Marka si daacad ah loo hadlana, Mareykanka iyo saaxiibadiiba dekedda Berbera way u baahan yihiin,” ayuu yidhi.
Hadalka Kenneth P. Ekman ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha iyo tartanka quwadaha waaweyn ee ku saabsan marinada badda iyo goobaha istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika iyo Badda Cas.