Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Oo Shir Amni Ku Qiimeeyey Xaaladda Gobolka Iyo Fulinta Go'aamadii Hore

Sunday July 19, 2026 - 15:15:21
hadhwanaagnews
Shirka oo qaatay saacado badan, isla markaana warbaahintu dibadda



May be an image of one or more people, people studying and text

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, Prof. Axmed Maxamed Cadaad, ayaa maanta shir-guddoomiyey shirka amniga ee gobolka, kaas oo ay ka qaybgaleen dhammaan laamaha amniga ee gobolka. Waxa shirka ku wehelinayey Xoghayaha Fulinta Gobolka Maroodi-jeex iyo Agaasimaha Amniga ee gobolka.


 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga gobolka, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyey arrimaha cusub ee bishan la xidhiidha amniga, heerka ay marayso fulinta go’aamadii laga soo saaray shirkii hore iyo sababaha keenay in qaar ka mid ah qodobadii lagu heshiiyey aan weli la hirgelin.


 

Shirka oo qaatay saacado badan, isla markaana warbaahintu dibadda ka joogtay, ayaa lagu lafaguray tallaabooyinka lagu sii xoojinayo amniga gobolka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqaynta hay’adaha amniga si looga hortago wax kasta oo khalkhal gelin kara nabadgelyada.


 

Markii uu shirku soo dhammaaday, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, Prof. Axmed Maxamed Cadaad, ayaa warbaahinta iyo bulshada uga warbixiyey qodobadii muhiimka ahaa ee kulanka lagaga hadlay iyo go’aannadii laga gaadhay, isaga oo xusay in la sii dardargelin doono hirgelinta qorshayaasha lagu adkaynayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

May be an image of text
May be an image of one or more people, people studying and text



     
Loading...