hadhwanaagnews

Hargeysa – Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland ayaa qabatay shirka saddex-biloodlaha ah ee Wadaagayaasha Dhaqaalaha ee Qorshaha Horumarinta Qaranka Saddexaad (NDP III), kaas oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Maaliyaddu.
Shirka waxaa furay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi, waxaana ka qayb galay saraakiil ka kala socday hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ku bahoobay Wadaagayaasha Dhaqaalaha.
Hay’adaha iyo wasaaradaha ka qayb galay waxaa ka mid ahaa Wasaaradaha Maaliyadda, Qorshaynta Qaranka, Ganacsiga, Maalgashiga iyo Shaqada, iyo sidoo kale Baanka Somaliland, Hay’adda Dhawrista Tayada Qaranka, Hay’adda Caymiska, Hay’adda Aagga Cashuuraha ka Caagan iyo Rugta Ganacsiga Somaliland.
Ujeeddada shirka ayaa ahayd in dib-u-eegis iyo falanqayn lagu sameeyo hawl-qabadkii horumarinta dhaqaalaha ee ku jiray Qorshaha Horumarinta Qaranka III, iyadoo la qiimeeyey waxyaabihii qabsoomay, kuwa aan weli hirgelin iyo caqabadihii sababay dib-u-dhaca hawlaha qaarkood.
Intii uu shirku socday, waxaa lagu soo bandhigay in inta badan hawlihii qorshaysnaa ay si wanaagsan u hirgaleen, iyadoo dhinacyadu si wadajir ah u falanqeeyeen qodobadii dhaqaalaha iyo horumarinta ee shirka lagu soo qaaday.
Ugu dambayn, ka qaybgalayaashu waxay isku raaceen in la sii xoojiyo lana dardargeliyo hawlaha horumarinta dhaqaalaha ee qorshaysan inta ka hadhay sanadka 2026, si loo xaqiijiyo hirgelinta mudnaanta ku xusan NDP III.








