hadhwanaagnews
Berbera – Maamulka Dekadda Berbera iyo masuuliyiinta Gobolka Saaxil ayaa faahfaahin ka bixiyey dab qabsaday doon yar oo kalluumaysi oo ku xidhnayd meel ka baxsan Dekadda Berbera, gaar ahaan agagaarka dekaddii hore ee kalluunka.
Ciidanka Dab-demiska, Ciidanka Badda, qaybta Dab-demiska ee Dekadda Berbera, Booliska iyo kooxaha kale ee gurmadka ayaa si degdeg ah uga hawlgallay goobta, iyagoo ku guulaystay inay xakameeyaan oo bakhtiiyaan dabka, sidoo kalena doonta ka jiidaan goobtii ay ku xidhnayd.
Masuuliyiintu waxay xaqiijiyeen in aanay jirin wax khasaare nafeed ah ama dhaawac ah, marka laga reebo khasaaraha soo gaadhay doontii dabku qabsaday.
Maareeyaha Dekadda Berbera, Cali Diiriye, ayaa sheegay in doonta oo lagu magacaabo Marwaan B ay ku xidhnayd markab duug ah oo scrap ah oo la yidhaa Anisteesiyo, isla markaana dabku ka kacay doonta.
"Alle mahaddii, marka laga reebo doontii yarayd ee gubatay, wax khasaare nafeed ah oo halkaas ka dhacay ma jiro.”
Cali Diiriye ayaa u mahadceliyey ciidamada iyo kooxihii gurmadka ee ka qayb qaatay hawlgalka, isaga oo sheegay in si degdeg ah loo xakameeyey dabka.
Waxa uu sidoo kale kalluumaysatada iyo dadka isticmaala doonyaha yaryar ugu baaqay inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, maadaama lagu jiro xilli-xagaa oo ay dabaylo badan dhacaan.
"Waxaan doonyaha yaryar ee kalluumaysiga ugu baaqayaa inay taxaddar weyn muujiyaan, maadaama aynu ku jirno xilli-xagaa oo dabayluhu dhacayaan.”
Duqa Magaalada Berbera, Maxamed Dable, ayaa sheegay in gurmad degdeg ah laga sameeyey goobta, isla markaana doonta laga jiiday meeshii ay ku xidhnayd loona qaaday dhinaca badweynta, si looga hortago in dabku ku fido goobaha ku dhow.
"Nasiib wanaag, gurmad weyn ayaa laga galay hawsha, waxaana lagu guulaystay in doonta laga jiido goobtii ay ku xidhnayd, si loo xakameeyo dabka loogana hortago khasaare kale.”
Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Saaxil, Maxamuud Hindi, ayaa isaguna sheegay in hawlgalku ku dhammaaday guul, iyadoo doonta laga jiiday goobtii ay ku xidhnayd, dabkiina lagu bakhtiiyey.
"Alle mahaddii, waxa lagu guulaystay in dabka la xakameeyo, doontana meesha laga jiido, halkaana lagu bakhtiiyo. Hawshaasi sidaas ayay ku dhammaatay.”