Wasaaradda Qorshaynta Oo Dib-u-Eegis Ku Samaysay Waxqabadkii Lixdii Bilood Ee Hore Ee 2026

Saturday July 18, 2026 - 15:29:09
hadhwanaagnews
Masuuliyiinta ayaa soo bandhigay warbixinno la xidhiidha guulihii



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Siciid Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee maamulka sare ee Wasaaradda, kaas oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda.

 

Kulanka waxaa ka qayb galay Agaasimayaasha Waaxyaha, Madaxda Xafiisyada, Hantidhawrka Gudaha iyo La-taliyaha Farsamada ee Agaasimaha Guud, iyadoo diiradda lagu saaray dib-u-eegista waxqabadkii lixdii bilood ee u horreeyey sannadka 2026 iyo heerka ay marayaan qorsheyaasha shaqo ee waaxyaha iyo xafiisyada kala duwan.

 

Masuuliyiinta ayaa soo bandhigay warbixinno la xidhiidha guulihii la gaadhay muddadii la soo dhaafay, caqabadaha jira iyo qorshayaasha mudnaanta leh ee la qorsheeyey in la hirgeliyo inta ka hadhay sannadka. Waxa kale oo si qoto dheer looga dooday heerka fulinta qorshaha shaqo-sanadeedka, xoojinta wada-shaqaynta iyo isku-duwidda hawlaha, iyo dardargelinta hawlaha muhiimka ah.

 

Kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyey muhiimadda isla-xisaabtanka, wadaagga xogaha, hufnaanta maamulka iyo qorshaynta tayada leh, si kor loogu qaado waxqabadka Wasaaradda iyo adeegyada ay bulshada u hayso.

 

Gebogabadii, Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Siciid Maxamuud, ayaa bogaadiyey dedaalka ay muujiyeen Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Madaxda Xafiisyadu lixdii bilood ee la soo dhaafay, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta, isku-duwidda hawlaha iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed si loo xaqiijiyo himilooyinka Wasaaradda ee sannadka 2026.

     
Loading...