hadhwanaagnews

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, iyo Agaasimaha Guud Maxamed Siciid Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay madaxda mashruuca EU-TAPF, iyagoo ka wada hadlay xoojinta taageerada farsamo, horumarinta awoodda hay’adaha dowladda iyo dardargelinta qorshayaasha horumarineed ee Somaliland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhaxaysa Wasaaradda iyo mashruuca EU-TAPF, gaar ahaan dhinacyada taageerada farsamo iyo kobcinta tayada hay’adaha dowladda si loo gaaro horumar waara.
Wasiir Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi ayaa uga mahadcelisay madaxda mashruuca EU-TAPF wada-shaqeynta iyo taageerada ay siiyaan Somaliland, iyadoo xustay muhiimadda ay leedahay iskaashiga noocan oo kale ah ee ka qeyb qaadanaya hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee dalka.