hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Mudane Maxamed Cabdimaalik ayaa safar shaqo iyo u kuurgelidda xaaladda biyaha ku tegay gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera, halkaasi oo uu kulamo muhiim ah kula yeeshay maamulka gobolka iyo masuuliyiinta ka shaqeeya arrimaha biyaha.
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda biyaha ee magaalada Berbera iyo guud ahaan gobolka Saaxil, iyadoo si gaar ah looga hadlay baahida sii kordhaysa ee biyaha taas oo ka dhalatay kororka shacabka, koboca ganacsiga iyo cimilada kulul ee ka jirta magaalada xeebta ah ee Berbera.
Wasiirka ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarunta Wakaaladda Biyaha Berbera, halkaasi oo uu warbixin kaga dhageystay masuuliyiinta wakaaladda adeegyada ay bulshada u hayaan, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed ee socda.
Mudane Maxamed Cabdimaalik ayaa bogaadiyey maamulka iyo shaqaalaha Wakaaladda Biyaha Berbera, isaga oo ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan adeegga bulshada, kuna dhiirrigeliyey inay sii laba jibbaaraan bixinta adeeg biyo oo tayo leh oo dabooli kara baahiyaha sii kordhaya ee shacabka gobolka Saaxil.