hadhwanaagnews
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay in safarkii Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ee magaalada Ceerigaabo, aanu ku koobnayn nabadaynta gobolka Sanaag oo keliya, balse uu ahaa safar muujiyay midnimada iyo wadajirka guud ee shacabka Somaliland.
Wasiirku wuxuu tilmaamay in safarkaasi uu ahaa farriin cad oo muujinaysa in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay qaran midaysan oo leh shacab isku duuban iyo xukuud rasmi ah oo aan la kala jari karin, isla markaana faro-gelin kasta oo timaada ama isku day kasta oo la doonayo in lagu fashiliyo ama lagu wiiqayo jiritaanka iyo madax-bannaanida Somaliland aanay suurogalayn.
"Safarkii Madaxweyne Cirro ee Ceerigaabo kaliya may khuseyn Ceerigaabo iyo nabadeeda, waxay muujinaysay in dalkani aanu kala tagayn, in uu yahay waddan israacaya, waxayna muujinaysay farogalin kasta oo timaada iyo isku day kasta oo la doonayo in lagu fashiliyo Somaliland in aanay suurogalayn,” ayuu yidhi Wasiirku.
Mudane Axmed Yaasiin wuxuu intaas ku daray in safarkaasi uu ahaa daawo siyaasadeed iyo bulsho oo soo celisay kalsoonidii iyo is-aaminaaddii bulshada gobolka Sanaag, isla markaana uu dhaliyay niyad wanaag iyo rajo cusub oo ku saabsan mustaqbalka dalka. Waxaanu yidhi "Safarku waxa uu daweeyey nabaddii Ceerigaabo, wuxuu dejiyey khilaaf badan oo dhexdeena yaallay, wuxuuna kor u qaaday niyad wanaaga muwaadiniinta Somaliland.”
Wasiirku waxa kale oo uu iftiimiyay in safarkii Madaxweynaha ee Ceerigaabo uu si cad u muujiyay hogaaminta, naxariista, dabacsanaanta, iyo aragtida fog ee Madaxweynaha JSL. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in safarkaasi uu muujinayo in Somaliland dib u curatay mar labaad iyo mar saddexaad. Isla markaana ay Somaliland tahay qaran adkaysi iyo wada-noolaansho ku dhisan. Waxaanu yidhi "Safarkaasi wuxuu tilmaamay hogaaminta, naxariista, dabacsanaanta iyo aragtida fog ee Madaxwaynaha JSL u leeyahay inuu dalka ku hogaaminayo. Waxaanad moodaa in Somaliland dib u curatay mar labaad iyo mar saddexaad”.