Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa qaaday tallaabo istiraatiijiyadeed oo taariikhi ah oo ku saabsan xoojinta midnimada iyo wadajirka bulshada, kadib booqasho sharafeed rasmi ah oo uu 9-kii August 2025 ugu tagay Ugaaska Guud ee Beelaha Awdal, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, oo ku sugan magaalada Boorama.
Kulankan ayaa caddeeyay aragtida hoggaamineed ee Madaxweynaha JSL ee la xidhiidha kaalinta muhiimka ah ee hoggaanka dhaqanka ku leeyahay ilaalinta nabadda, horumarinta wadajirka bulshada, iyo dhismaha dawladnimo waarta. Waxa uu noqday madal rasmi ah oo lagu lafa-guray arrimo asaasi u ah horumarka iyo xasiloonida Somaliland, isla markaana xasuusiyay bulshada muhiimadda iskaashiga hogaanka dhaqanka iyo xukuumadda.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa si cad u muujiyay qaddarinta iyo ixtiraamka ay xukuumadda u hayso Ugaaska Guud, isaga oo bogaadiyey kaalinta hoggaaminta dhaqanku ku leeyahay nabad-sugidda iyo dheellitirka bulshada. "Hoggaaminta Ugaaska Guud waa tiir muhiim ah oo lagu ilaaliyo wada-noolaanshaha bulshada iyo xasilloonida dalka,” ayuu yidhi Madaxweynaha JSL, isagoo carrabka ku adkeeyay in dhaqanku yahay saldhig muhiim u ah jiritaanka qarannimada Somaliland.
Ugaaska Guud, ayaa dhankiisa si weyn u bogaadiyey dadaallada madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ee nabad-dhisidda, is-waafajinta danaha qaranka iyo bulshada, iyo horumarinta dalka. Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in bulshada uu matalo ay si buuxda u garab taagan tahay qarannimada iyo dawladnimada Somaliland.
Booqashadan ayaa ah tallaabo muujinaysa aragti siyaasadeed iyo hoggaamineed oo ku saleysan is-ixtiraam iyo wada-shaqayn rasmi ah oo dhexmaraysa hay’adaha dowliga ah iyo hogaanka dhaqanka. Waxa kale oo ay xoojisay kalsoonida bulshada ee hay’adaha dowladda, isla markaana waxay caddeysay sida hogaanka dhaqanka iyo kan dowliga ah ay isaga kaashan karaan nabad-dhisidda iyo horumarinta dhismaha qaranimada.
Kulankan ayaa sidoo kale ahaa mid taariikhi ah, maadaama madaxweyne Cirro uu xilligii ololaha doorashada ballan qaaday in Ugaaska Guud uu si sharaf iyo nabad ah uu dalkiisa ugu soo noqon doono, taas oo hadda si buuxda loo hirgeliyey. Tallaabadan ayaa xoojisay kalsoonida shacabka iyo hufnaanta dowladnimada.
Gunaanad:
Booqashada Madaxweyne Cirro ee Ugaaska Guud waa talaabo istiraatiiji ah oo xoojinaysa nabadda, wadajirka bulshada, iyo hoggaan mas’uuliyad ku dhisan. Waxay sidoo kale farriin cad u diraysaa adduunka oo dhan in qaranimada Somaliland lagu xaqiijinayo hoggaan, wada-shaqayn, iyo sharaf dhab ah, isla markaana aanay ku koobneyn hadal keliya.