HADHWANAAGNEWS
Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaciyay in xukuumaddu heshiis la gashay shirkad laga leeyahay dalka Canada, taas oo hirgelisay nidaam casri ah oo u suurtagelinaya maalgashadayaasha inay si online ah u dalban karaan ruqsadaha macdanta.
Wasiirku waxa uu sheegay in nidaamkani yahay mid ka shaqeeya dalal badan oo Afrika ah, isla markaana fududeynaya in maalgashadayaashu meel kasta oo ay dunida ka joogaan ay si toos ah ugu gudbin karaan codsiyadooda.
"Waxaan heshiis la galnay shirkad laga leeyahay Canada oo samaysay nidaam fududeynaya in maalgashadayaasha macdantu hab online ah usoo dalban karaan ruqsadooda dalka, ama meesha ay doonaan ba ha joogaane,” ayuu yidhi Wasiirku.
Faa’iidada Nidaamka Cusub
Nidaamkan cusub ayaa la filayaa inuu:
Dedejiyo habraacyada bixinta ruqsadaha
Kordhiyo hufnaanta iyo daahfurnaanta
Soo jiito maalgashi shisheeye
Yareeyo safarrada iyo waraaqaha badan ee hore loo mari jiray
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu casriyeynayo maamulka khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland, isla markaana lagu dhisayo jawi maalgashi oo la jaanqaadi kara nidaamyada caalamiga ah.