Utilities: Berbera oo Noqotay Xarunta Tamarta iyo Saadka ee Geeska Afrika

Saturday February 21, 2026 - 11:51:24
HADHWANAAGNEWS
Warshad Solar ah oo 5MW ah



Berbera – Warbaahinta caalamiga ah ee Utilities ayaa shaacisay in magaalada istiraatiijiga ah ee Berbera ay isu beddeshay xarun tamar iyo saad oo muhiim u ah Geeska Afrika, iyadoo xukuumadda Somaliland ay xoogga saarayso xoojinta ammaanka tamarta iyo hoos u dhigista qiiqa kaarboonka.

 

Warshad Solar ah oo 5MW ah

 

Warbixintu waxay xustay in magaalada laga hirgeliyay warshad qoraxda ku shaqaysa (solar photovoltaic) oo awooddeedu tahay 5-megawatt, taasoo qayb ka ah qorshaha xukuumadda ee horumarinta tamarta nadiifta ah iyo yareynta ku-tiirsanaanta korontada diesel-ka.

 

Mashruucan waxaa hirgelisay shirkadda Global South Utilities oo fadhigeedu yahay Abu Dhabi, iyadoo taageero weyn ka helaysa United Arab Emirates (UAE).

 

Qorshaha Green Berbera Vision

 

Warshaddan cusub ayaa qayb ka ah qorshaha ballaadhan ee "Green Berbera Vision,” kaas oo lagu doonayo in nidaamka korontada ee Dekedda Berbera laga dhigo mid ku shaqeeya tamar nadiif ah. Qorshuhu waxa kale oo uu ka mid yahay maalgelinta kaydinta batteriyada si loo xoojiyo joogtaynta tamarta la cusboonaysiin karo.

 

Warbixinta ayaa sheegtay in warshadda 5MW ay soo saari doonto qiyaastii 10,000 megawatt-saac sanadkii, taasoo dabooli karta baahida koronto ee ku dhowaad 28,000 guri sanadkii. Sidoo kale, mashruucu waxa uu hoos u dhigi doonaa qiiqa kaarboonka qiyaastii 6,890 tan sanadkii, isaga oo yareynaya kharashaadka shidaalka isla markaana kordhinaya ammaanka tamarta.

 

Maalgelinta UAE iyo Koboca Berbera

 

Warbixintu waxay iftiimisay doorka UAE ee maalgelinta Somaliland, iyadoo soo xigatay khabiir ka tirsan European Council on Foreign Relations oo sheegtay in mashruucani yahay qayb ka mid ah maalgelin ballaadhan oo ka imanaysa UAE.

 

Waxaa lagu xusay in DP World ay sanadkii 2021 ku maalgelisay $442 milyan casriyaynta dekedda Berbera iyo aagga ganacsiga xorta ah, halka Abu Dhabi Fund for Development ay isla sanadkaas maalgelisay warshad solar ah oo 7MW ah.

 

Berbera oo Noqotay Xarun Istiraatiiji ah

 

Warbixinta Utilities ayaa ku soo gabagabaysay in warshadda cusub ee 5MW ay sii xoojinayso sawirka Berbera oo muddooyinkii u dambeeyay ku soo baxaysay sidii xarun tamar iyo saad oo cusub, iyadoo muhiimad gaar ah u leh marinka-biyaha Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

 

Tallaabooyinkan ayaa muujinaya jihada ay Somaliland u qaadday horumarinta tamarta la cusboonaysiin karo iyo doorka istiraatiijiga ah ee Berbera ku leedahay gobolka.

     
Loading...