HADHWANAAGNEWS
Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland, Cumar Shucayb Maxamed, oo maanta hortagay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa sheegay in loo baahan yahay in xaaladda abaarta si qaranimo ah loogu istaago, isla markaana la helo xal mideysan oo lagu badbaadinayo dadka iyo duunyada.
"Abaarta waxa la inooga baahan yahay in aynu Qaran ahaan isku tashano, isla markaana aynu galno sidii loo badbaadin lahaa dadka iyo duunyadeennaba,” ayuu yidhi Wasiirku.
Bogaadin iyo Dadaal Qaran
Wasiir Cumar Shucayb ayaa ku bogaadiyay bulshada sida ay uga qayb qaadanayaan gurmadka abaarta, isaga oo xusay in dadweynuhu ay si iskood ah isu abaabulayaan, kooxo kooxona u gurmanayaan dadka iyo xoolaha ay dhibaatadu saamaysay.
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in xukuumaddu dedaal muuqda ku bixisay sidii gurmad qaran loogu samayn lahaa bulshada ay abaartu ku dhufatay, gaar ahaan deegaannada reer miyiga ah ee ay noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool.
Warbixin Waxqabad
Wasiirku waxa uu Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida la wadaagay warbixin ku saabsan waxqabadkii sannadkii ay xafiiska joogeen, isaga oo qodob qodob u sharaxay tallaabooyinka ay wasaaraddu qaaday si loo xoojiyo loona ilaaliyo laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland oo ah xoolaha nool.
Kulankan ayaa qayb ka ah isla-xisaabtanka iyo wada-shaqaynta u dhexeeya xukuumadda iyo Golaha Guurtida, si loo helo xalal waara oo lagula tacaalo caqabadaha ka dhasha abaarta iyo saamaynteeda dhaqaale.