Waxbarashada Somaliland oo Heshay Saaxiibbo Cusub iyo Fursado Heer Caalami ah

Wednesday September 10, 2025 - 12:36:04
hadhwanaagnews
Kani ma ahayn shir caadi ah, balse wuxuu ahaa tallaabo istiraatiiji



Waxbarashada Somaliland ayaa mar kale heshay saaxiibo cusub iyo garab istaag caalami ah, kadib kulankii muhiimka ahaa ee Wasiirka Waxbarashada, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, uu la yeeshay xubnaha Baarlamaanka Denmark iyo daneeyeyaasha waxbarashada degdegga ah ee Afrika. Kulankan oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka Denmark wuxuu xoojiyay xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Somaliland la leedahay beesha caalamka, waxaana lagu ballanqaaday taageerooyin muhiim ah oo kor u qaadi doona tayada waxbarashada dalka.

Kani ma ahayn shir caadi ah, balse wuxuu ahaa tallaabo istiraatiiji ah oo lagu dhisayo iskaashi waara. Taageerada cusub ee la ballanqaaday waxay si toos ah u taaban doontaa meelaha ugu nugul ee waxbarashadu u baahan tahay: tayeynta manhajka, kobcinta xirfadaha macallimiinta, dhismaha xarumo waxbarasho oo casri ah, iyo barnaamijyo u gaar ah kor u qaadista xirfadaha dhallinyarada.

Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf wuxuu kulankaas uga faa’iidaystay si xirfad leh oo xikmadaysan, isagoo si cad u muujiyay guulaha waxbarasho ee Somaliland gaadhay iyo caqabadaha wali horyaalla. Sidoo kale, wuxuu carabka ku adkeeyay baahida jirta ee dhinacyo badan taabanaysa, laga bilaabo tayeynta macallimiinta, illaa horumarinta kaabayaasha waxbarasho.

Xubnihii Baarlamaanka Denmark iyo daneeyeyaasha kale ee kulanka ka qaybgalay waxay muujiyeen kalgacayl, faham, iyo taageero muuqata. Ballanqaadyadoodu waxay muujinayaan in hadal hufan, qorshe cad, iyo aragti fog ay awoodaan inay furtaan fursado xitaa marka ay jiraan caqabado siyaasadeed ama caalami ah.

Wasaaradda Waxbarashadu had iyo jeer waxay ahayd mid kamid ah hay’adaha ugu firfircoon ee Somaliland, laakiin kulamadan heerka sare ah waxay noqon karaan mid fure u ah maalgelin dheeraad ah, qalab waxbarasho, barnaamijyo tababar, iyo iskaashi ballaadhan oo la taaban karo oo ay la yeelato beesha caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, muhiimaddu maaha ballanqaadka kaliya, balse hirgelinta horumar muuqada oo la xidhiidha kor u qaadista tayada iyo geedi-socodka waxbarashada Somaliladn iyo sidii looga dhigi lahaa mid casri ah oo wax ka tarta horumarka ka socda dalka, iyada oo Somaliland ay caalamka u muujisay in Taageero kasta oo lagu caawiyo ay u maamusho hufnaan, isla xisaabtan, iyo qorshe cad, taas oo ah sababta suuro-galka ka dhigtay in uu si weyn u xoogaysto iskaashiga Somaliland iyo beesha caalamku.

Tallaabadan ayaa ah mid mudan in lagu bogaadiyo wasaaradda waxbarashada Somaliland. Sidoo kale waxaa mudan in la sii joogteeyo dadaallada noocan ah, iyadoo la xoojinayo awoodda diblumaasiyadeed ee wasaaradaha dalka, si loo abuuro kalsooni dheeraad ah oo lagu kasbado garab istaag mustaqbalka.

Waxbarashadu waa furaha horumarka. Haddii xukuumadda Somaliland ay sii waddo hoggaaminteeda firfircoon, taageero caalami ah oo hufan, iyo maamul daahfuran, waxay gaadhi kartaa horumar la mid ah midka ay gaadheen dalal badan oo dunida ah.

     
Loading...