Roobab La Filayo Inay Ka Da'aan Gobollo Ka Mid Ah Somaliland Toddobaadkan

Sunday September 07, 2025 - 18:02:30
hadhwanaagnews
Qaybo ka mid ah gobollada Maroodijeex, Awdal, Saaxil


Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Waaxda Saadaasha Hawada, ayaa soo saartay saadaasha roobabka ee toddobaadka 6 ilaa 12 September 2025.

Warbixintan oo ka soo baxday xafiiska saadaasha hawada ayaa muujinaysa in roobab la filayo in ay ka da’aan qaybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.

Qaybo ka mid ah gobollada Maroodijeex, Awdal, Saaxil iyo Togdheer ayaa la filayaa inay helaan roobab lagu qiyaasay 20–10mm, haddii Alle idmo.

Dhinaca kale, gobollada Sool iyo Sanaag ayaa la saadaalinayaa in ay ka di’i doonaan roob yar oo aan ka badnayn 20mm, sida ka muuqata khariidada saadaasha ee la socda warbixinta.

Wasaaraddu waxay ku boorrisay dhammaan shacabka, gaar ahaan beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada, inay la socdaan isbeddelka cimilada si ay u qaataan tallooyinka badbaadada iyo qorsheynta wax soo saarka.
     
Loading...