Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa qaaday tallaabo cajiib ah oo dhif iyo naadir ku ah hoggaamiyayaasha gobolka Geeska Afrika. Kulankii uu magaalada Berbera kula yeeshay shacabka reer Berbera, maqaaxiyaha iyo goobaha caweynta, wuxuu ahaa dhacdo muujinaysa qiyamka iyo kartida hoggaamineed ee Madaxweynaha, daacadnimadiisa, sida uu u danaynayo isu-soo dhawaanshaha bulshada iyo madaxda qaran, iyo jacaylka uu u hayo dadkiisa. Dhacdadan ayaa si cad u iftiiminaysa sida xukuumadda Madaxweyne Cirro ugu tiirsan tahay dhegeysiga bulshada, la socodka xaaladaha nololeed, iyo ka jawaabista baahiyaha dadka.
Madaxweynaha, oo socdaal shaqo ku tagah magaalada xeebeedka Berbera, ayaa wakhti la qaatay shacabka reer Berbera, isaga oo si toos ah ula falgalay bulshada iyada oo aanay cidina u dhaxayn isla markaana aan lahayn wax warqalad ah. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno ka tirsan xukuumaddiisa, madaxda gobolka iyo kuwa degmada, ayuu dadweynaha la qaxweeyey, la sheekaystay, isla markaana dhegeystay aragtidooda iyo dareenkooda nololeed. Waxay tani caddeyn u tahay in madaxweyne Cirro yahay hoggaan dimoqraadi ah oo aan ka dheerayn nolosha dadka, balse qayb ka ah.
Dhacdadaasi waxay sidoo kale sare u qaadaykalsoonida shacabka reer Somaliland ee xukuumaddooda, iyadoo muujinaysa in hoggaamintu aanay ku koobnayn go’aanno ka soo baxa xafiisyada dowladda, balse ay tahay in hoggaamiyuhu si joogto ah ugu dhex jiro bulshada, una noqdo dhabbaha isku xidhka dawladda iyo dadka. Dhacdadan ayaa muujisay hoggaamiye bulshada dhexdeeda fadhiya, farxaddooda la qaybsanaya, isla markaana la socda xaaladaha nololeed ee muwaadiniinta.
Sidoo kale, socdaalkii uu ku maray gudaha magaalada Berbera iyo kormeerkiisii bacadlayaasha suuqa ayaa muujiyeyxiisaha iyo danaynta Madaxweynahaee xaaladda dhaqaale iyo nololeed ee bulshada, gaar ahaan ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah. Inuu indhihiisa ku arko sida bulshadu ugu kala ganacsanayso si xasillooni iyo nabad ah, waa calaamad dhiirrigelinaysa in la sii adkeeyo nabadda, dhaqaalaha, iyo horumarka gobolka.
Dhanka kale, kulankani wuxuu fursad u ahaa in bulshada reer Berbera ay si toos ah ula hadasho madaxweynahooda, u soo bandhigto baahiyahooda, fikradahooda iyo tallooyinkooda, taasoo qeyb ka ahnidaamka hufan ee dowladda iyo hoggaanka ka jawaaba dareenka bulshada.Waxay kaloo muujinaysaa sida hoggaanka Madaxweyne Cirro uu muhiimad gaar ah siiyois-dhexgalka bulshada, dhageysiga codadka shacabka, iyo hirgelinta mashaariic waxtar lehoo nolol maalmeedka bulshada kor u qaada.
Gunaanad ahaan,kulanka Madaxweynaha iyo shacabka reer Berbera wuxuu ahaa mid astaan u ah hoggaan xogogaal ah oo si toos ah ugu xidhan bulshadiisa iyada oo aanay cidina u dhaxayn, bulshadana dhegeysta, isla markaana la wadaagaya noloshooda maalinlaha ah. Hoggaamintu maaha oo kaliya go’aanno laga qaato xafiisyada dowladda, balse waa in hoggaamiyuhu si joogto ah ugu dhex jiro bulshada, u fahmo baahiyahooda, kana shaqeeyo horumar waara oo muuqda. Kulankan Berbera wuxuu tusaale cad u yahay sida hoggaanka Somaliland uu uga go’an yahayhorumarinta bulshada, xoojinta dhaqaalaha, iyo dhisidda kalsooni bulsho oo waarta.