Xukukumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay muddooyinkii ugu dambeeyay ay si joogto ah u muujisay dedaal joogto ah oo ku wajahan xoojinta dhaqaalaha, kor-u-qaadista hufnaanta maamulka iyo casriyeynta habraacyada dakhli ururinta. Horumarkan waxaa horseed u ah Wasaaradda Maaliyadda iyo Dhaqaalaha oo ay hoggaaminayaan masuuliyiin leh aragti dheer, qorshe cad iyo go’aan adag oo lagu dhisayo nidaam dhaqaale oo xasilloon.
Ololaha dhawaan lagu beegsaday cashuuraha ku baaqday gaadiidka oo ay si wadajir ah u fuliyeen Waaxda Cashuuraha-Berriga ee wasaaradda horumarinta Maaliyadda JSL, Laanta Ilaalinta Cashuuraha iyo Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka, ayaa ah tusaale muuqda oo ka tarjumaya sida ay xukuumadda wadajir iyo waxqabad uga go’an tahay fulinta shuruucda dalka xoojinta ololayaasha cashuur ururinta, kobcina dakhliga dalka iyo dhisidda dhaqan maaliyadeed oo lagu tiirsan karo. Tani waxay dhiirrigelinaysaa isla xisaabtan iyo hannaan maaliyadeed oo hufan, waxayna xaqiijinaysaa in waajibaadka cashuureed ee muwaadiniinta iyo shirkaduhu ay noqdaan kuwo si siman oo caddaalad ah.
Dhanka kale, qorshaha lagu mideynayo buugaagta lacag qabashada cashuuraha ee Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Madaxa-banaan ee qaranka iyo tababarrada loo fidinayo hawl-wadeenada maaliyadeed ayaa caddeynaya in Wasaaraddu ay si dhab ah cagta u saartay jidka horumarka, casriyeynta iyo hal-abuurka maaliyadeed. Adeegsiga dukumenti mideysan waxay xoojisay hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dawladda, taas oo si toos ah u kordhinaysa kalsoonida muwaadiniinta iyo ganacsatada.
Waxaa sidoo kale mudan in la xuso guulaha ku saabsan diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2026-ka, taas oo lagu dhammeystiray swaqti munaasib ah, iyada oo la raacayo habraacyo caalami ah. Tani waxay ka marag kacaysaa awoodda farsamo iyo nidaamka habaysan ee ay Wasaaradda Maaliyaddu ku shaqaynayso. Waxaa hubaal ah in dedaalada xoogan ee wax-ku-oolka ah ee wasaaradda maaliyaddu inay Somaliland ka dhigeyso tusaale wanaagsan oo gobolka iyo caalamkabuba majeertaan.
Kulammada saddex-biloodlaha ah ee lagu qiimeeyo waxqabadka waaxyaha kala duwan ee wasaaradda ayaa iyaguna ah tallaabo lagu xaqiijinayo isla xisaabtan, qorsheyn iyo hirgelin waxtar leh. Warbixintii ugu dambeysay ee wasaaradda ayaa muujisay korodh weyn oo dakhliga gudaha ah, waxaanay markhaati u tahay in ay jiraan dadaallo xukuumadeed oo lagu xoojiyey ka midho dhalinta ururinta cashuuraha qaranka.
Dardargelinta iyo dib-u-eegista shaqada xafiisyada Cashuuraha-Berriga ee maxkamadaha gobollada dalka ayaa iyaduna muujinaysa in hoggaanka Wasaaradda ay si dhab ah uga go’an tahay in laga gudbo caqabadaha, lana sameeyo habraacyo mideysan oo keena adeeg tayo leh.
Horumarradan la sameeyay maahan kuwo ku yimid si fudud, balse waa natiijada qorshe-qaran oo cad, oo ay hogaaminayaan Wasiirka Maaliyadda Md. Cabdillaahi Xasan Aaden, Wasiiru-Dawlaha Md. Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi, iyo Agaasimaha Guud Md. Maxamed Xasan Saleebaan. Waxaa muuqata in hoggaankan mideysan uu horseeday in Wasaaradda Maaliyaddu noqoto tiirka ugu muhiimsan ee koboca dhaqaalaha Somaliland.
Somaliland waxay maanta maraysaa marxalad cusub oo lagu dhisayo nidaam dhaqaale oo xoojin kara adeegyada bulshada, abuuri kara fursado maalgashi iyo shaqo-abuur, isla markaana sare u qaadaya sumcadda caalamiga ah ee dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland. Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland waxay si dhab ah u noqotay astaanta hufnaanta, isla xisaabtanka iyo hal-abuurka dhaqaale ee Qaaradda Afrika.