Xukuumada JSL oo Dhisaysa Ciidan Qaran oo Xirfad Sare leh: Aragti Siyaasi ah iyo Horumar Amni

Monday October 06, 2025 - 10:47:06
hadhwanaagnews
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo si qoto dheer u fahamsan



Ciidamada qaranku waa tiir muhiim ah iyo laf-dhabarta jiritaanka, madax-bannaanida iyo amniga qaran kasta. Sidaa darteed, doorkoodu kuma koobna oo kaliya difaaca xuduudaha, balse waxa uu si qoto dheer uga qayb qaataa dhismaha dawladnimo, horumarka dhaqan-dhaqaale iyo ilaalinta midnimada bulshada iyo qarankooda.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo si qoto dheer u fahamsan muhiimadda dhismaha Ciidanka Qaranka, waxay dalka ka hirgelisay qorshayaal istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo awoodda iyo tayada Ciidanka Qaranka. Xukuumadda wadajir iyo waxqabad iyada oo fulinaysa ballanqaadyadii madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo mabaadi’da guud ee xukuumadiisa waxay si joogto ah u muujisay go’aankeeda ku aaddan dhisidda ciidan casri ah oo xirfad iyo tayo sare leh. Qorshayaashan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray kor u qaadista xirfadaha casriga ah, tiknoolajiyidda iyo hoggaaminta ciidamada. Iyada oo Bilihii u dambeeyay, la qaaday tallaabooyin istiraatiiji ah, kuwaas oo diiradda lagu saaray:

Dhismaha Xirfado Casri ah

Xukuumadda Somaliland waxay xooga saartay horumarinta xirfadaha casriga ah ee Ciidanka Qaranka iyada oo si nidaamsan loo bixinayo tababarro xirfadeed oo heerar kala duwan ah. Tababaradani waxaa loogu talagalay in lagu kobciyo aqoonta, xirfadaha farsamo, iyo kartida hoggaamineed ee saraakiisha iyo cutubyada ciidanka, si ay u noqdaan kuwo ka jawaabi kara baahiyaha amniga ee isbeddelaya. Inta lagu guda jiro tababarada, ciidamada waxaa lagu diyaarinayaa maaraynta qalabka casriga ah, qorsheynta istiraatijiyadeed, iyo fahamka xaaladaha amni ee adag, iyadoo la adeegsanayo farsamooyin casri ah iyo habab waxtar leh oo heer caalami ah. Dhisida xirfadahan waxay horseed u tahay in ciidanka Qaranka ay yeeshaan awood buuxda oo ay kaga hortagaan khataraha gudaha iyo dibadda, isla markaana ay kaalin muuqata kaga qaataan sugidda nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.

Hal-abuur iyo Jihayn Cusub

Si loo xoojiyo tayada iyo waxtarka Ciidanka Qaranka Somaliland, xukuumaddu waxay hirgeliysay barnaamijyo cusub oo hal-abuur leh kuwaas oo diiradda saaraya kordhinta aqoonta, horumarinta hoggaaminta, iyo diyaar-garowga dhammaan cutubyada ciidanka. Barnaamijyadani waxay ka kooban yihiin tababarro casri ah oo la jaanqaadaya isbeddelada amni ee caalamka, iyadoo xoogga la saarayo kobcinta xirfadaha hoggaaminta, anshaxa ciidan, iyo farsamooyinka maaraynta xaaladaha degdega ah.

Jihaynta cusub waxay ku saleysan tahay istaraatijiyad isku dhafan oo dhiirrigelinaysa hal-abuurka, wada-shaqaynta kooxeed, iyo kartida fulinta hawlgallada adag. Kuwaas oo ciidanka u diyaarinaya inay si degdeg ah uga jawaabaan caqabadaha amni, iyagoo adeegsanaya habab casri ah iyo teknoolajiyad horumarsan, taas oo ah mid qaranka u horseedaysa guul waaweyn iyo xasilooni siyaasadeed.

Xoojinta Tiknoolajiyadda Ciidanka

Kor u qaadista awoodaha tiknoolajiyadeed ee Ciidanka Qaranka Somaliland waa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee lagu xaqiijinayo amniga iyo difaaca dalka. Xukuumaddu waxay si firfircoon u maalgelinaysaa qalabaynta casriga ah iyo teknoolajiyadda muhiimka u ah hawlgallada ciidanka. Tallaabooyinkan cusub ayaa ciidanka u sahlaysa inay si hufan oo degdeg ah uga falceliyaan khataraha amni, isla markaana ay si sax ah u maareeyaan xogaha sirdoon iyo kuwa istiraatijiyadeed.

Dadaalladan is-biirsaday waxay caddeyn u yihiin in Xukuumadda Somaliland ay si hagar la’aan ah ugu taagan tahay in ay dhisto ciidan leh anshax, aqoon, iyo awood uu ku difaaco dalka, isla markaana uu ugu adeego shacabka.

Tallaabooyinka Muhiimka ah ee Horumarka Ciidanka:

Mid ka mid ah tusaalooyinka muuqda ee geeddi-socodka horumarinta ciidanka ayaa ah munaasibad ballaadhan oo qabtay sagaal injineer oo qalin jabiyay, kuwaas oo muddo lix sanno ah waxbarasho sare hore ugu soo qaatay jaamacado ku yaalla dalka Itoobiya, haddana muddada sannad ah wax ku baranayay Kuliyadda Cabdilaahi Askar. Injineeradan ayaa helay tababar isugu jira aqoon ciidan, xirfado farsamo iyo faham hoggaamineed. Dhamaystirka tababarkooda waxa uu caddeyn u yahay in ciidanka qaranka Somaliland aanu u taagnayn oo kaliya dagaal iyo difaaca xuduudaha dalka, balse sidoo kale lagu kobcinayo aqoon farsamo iyo mid maamul.

Sidoo kale, Hoggaanka ciidanka qaranka ayaa door weyn ku leh jihaynta iyo hagidda istaraatijiyadda horumarineed. Dardaarankiisii uu siiyay saraakiishan cusub Abaan-duulaha Koowaad ee Ciidanka Qaranka JSL, Sarreeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale, waxa uu iftiimiyay muhiimadda ay leedahay daacadnimada, hufnaanta iyo u adeegidda qarannimada, kuwaas oo ah tiirarka guusha ciidan kasta oo qaran.

Aragti Amni iyo Siyaasadeed oo Isku Dhafan

Horumarinta Ciidanka Qaranka JSL waxa ay ku salaysan tahay aragti amni oo casri ah oo la jaanqaadaysa isbeddelka caalamiga ah iyo baahiyaha gudaha. Qorsheyaasha socda, oo ay ka mid yihiin layliyo ciidan oo isdaba joog ah iyo barnaamijyo kor loogu qaadayo kartida hoggaamineed, waxa ay muujinayaan in xukuumaddu ay si xeel dheer u fahamsan tahay muhiimadda ay leedahay hay’ad ciidan oo leh tayo iyo karti sare.

Sidoo kale, aragtidan waxa ay ku saleysan tahay qiyamka dowladnimo ee Somaliland oo ah in amniga iyo horumarku ay yihiin laba arrimood oo isku xidhan. "Ciidan xirfad sare leh waxa uu kor u qaadaa kalsoonida shacabka, xoojiyaa haykalka dawladnimo, wuxuuna abuurayaa jawi nabadeed oo suurtogal ka dhigaya koboc dhaqaale iyo horumar bulsho.”

Gunaanad

Xukuumadda Somaliland waxa ay ku jirtaa safar adag oo dhanka dhismaha hay’adaha dawladnimada ah, iyada oo dhismaha Ciidanka Qaranku laf-dhabar ka yahay safarkaasi. Hirgelinta tababarro tayo leh, kor u qaadista xirfadaha ciidanka, iyo abuuridda hoggaan ciidan oo u diyaarsan caqabadaha amni ee hadda iyo mustaqbalka, waxay dhammaantood muujinayaan dadaalka xukuumaddu ugu jirto in la helo ciidan qaran oo casri ah, xirfad sare leh, kana jawaabi kara baahiyaha qaranka. "Tani maaha kaliya guul ciidan, balse waa guul qaran.” Sidaas darteed, Ciidanka Qaranka JSL waxa uu u tusaale u yahay hal-adayg, karti iyo himilo qaran oo ku dhisan aqoon iyo masuuliyad.

     
Loading...