Wasiir Geel-jire: Ilaalinta Deegaanka Waa Mudnaanta Koowaad ee Qaranka

Wednesday April 15, 2026 - 15:12:24
HADHWANAAGNEWS
Wasiirka ayaa tilmaamay in la tacaalidda isbeddelka cimilada



Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Cabdillaahi Cismaan Geel-jire, ayaa sheegay in ilaalinta deegaanka ay tahay mudnaanta ugu weyn ee maanta, isaga oo ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga qaran si loo ilaaliyo khayraadka dabiiciga ah.


 

Wasiirka ayaa tilmaamay in la tacaalidda isbeddelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka aysan ahayn shaqo ku kooban hal wasaarad ama hal xukuumad, balse ay u baahan tahay wada shaqayn buuxda oo dhex marta dowladda iyo shacabka.


 

"Maanta waa maalin qaran oo xambaarsan fariin cad oo ah in ilaalinta deegaanku ay tahay masuuliyad wadareed. Wasaarad kali ahi wax kama qaban karto, xukuumad kali ahi wax kama qaban karto, balse dowladda iyo shacabka oo iskaashada ayaa wax ka qaban kara,” ayuu yiri Wasiir Geel-jire.


 

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa bulshada ku booriyay inay ka qayb qaataan ilaalinta deegaanka, si loo sugo mustaqbal waara oo ay jiilasha dambe ka faa’iideystaan.

     
Loading...