Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Kulan Taariikhi ah la Yeeshay Ugaas C/rashiid Ugaas Doodi

Monday October 06, 2025 - 10:46:08
hadhwanaagnews
Socdaalkan wasiirku ku marayo gobolka Awdal, gaar ahaan kulammada



Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdale Maxamed Carab, iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa shalay kulan taariikhi ah la yeeshay Ugaas Cabdirashiid Ugaas Doodi, iyaga oo ku booqday hoyga uu ka degen yahay magaalada Boorama, booqashada iyo kulankaasi labada dhinac ayaa ah mid astaan u tahay biseylka siyaasadeed ee xukuumadda JSL, taas oo ah mid mid ku dhisan ixtiraam, wadatashi iyo qaddarin loo hayo dhaqanka iyo hogaanka bulshada.

Socdaalkan wasiirku ku marayo gobolka Awdal, gaar ahaan kulammada uu la yeelanayo waxgaradka deegaanka, wuxuu muujinayaa sida ay Xukuumadda Somaliland u garawsan tahay muhiimadda ay leedahay in la helo is-faham, wada-shaqeyn iyo kalsooni ka dhaxaysa hay’adaha dawladda iyo bulshada rayidka ah.

Kulamada noocan oo kale ah waxa laga dhaxli karaa: Xoojinta nabadgelyada deegaanka, Wadatashi dhab ah iyo xdhiidh wadashaqayneed oo dhex maraya waxgaradka iyo xukuumadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo uu hormuud u ah hawlaha amniga iyo wadajirka bulshada, waxay tallaabo horumar leh u qaaday dhanka siyaasadda gudaha, taas oo ah mid qof kasta oo reer Somaliland ahi dareemi koro oo ku saleysan wada-tashi, tixgelin iyo hufnaan.

     
Loading...