Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka
Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin), ayaa qaaday tallaabo istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha qaranka ee la xidhiidha horumarinta magaalooyinka, nidaamka dawladaha hoose, iyo kor u qaadista adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Kulankii uu Wasiirku shalay la yeeshay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa ah mid ka tarjumaya muhiimadda wada-shaqaynta hay’adaha dawladda u leedahay horumarka dalka. Kulankaasi waxa si qoto dheer loogu falanqeeyey xoojinta qorshaha horumarineed ee wasaaradda iyo koboca magaalooyinka Somaliland, dardargelinta adeegyada bulshada, iyo doorka ay dawladaha hoose ku leeyihiin kobcinta adeegyada aasaasiga ah ee dadweynaha.
Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa careabka ku adkeeyey in iskaashi dhaxalgal ahi uu yahay furaha lagu gaadhi karo yoolalka horumarineed ee wasaaraddu hiigsanayso. Iyada oo Golaha Guurtida Somaliland yahay laf-dhabarta xasiloonida siyaasadeed iyo dhaqan ee dalka.
Is-afgaradkii laga gaadhay kulankaasi waxa uu xoojinayaa aragtida ah in horumarka aanu suurtogal ahayn la’aanta iskaashi dhab ah oo ka dhexeeya wasaaradaha fulinta iyo hay’adaha sharci-dejinta. Golaha Guurtida JSL ayaa ah gole siyaasadeed, dhaqan iyo mid sharci-dejineed, waxa uu leeyahay door gaar ah oo lagu dardar-gelin karo qorsheyaasha lagu horumarinayo nolosha shacabka.
Wasaaradda Dawladaha Hoose waxay leedahay xidhiidh toos ah oo kala dhexeeya bulshada Somaliland iyo maamulka magaalooyinka dalka, halka Golaha Guurtiduna uu leeyahay waayo-aragnimo sal ballaadhan leh oo laga dhaxlay doorkooda taariikheed. Iskaashigooda ayaa tusaale u ah kaalinta wada shaqaynta hay’adaha dawladeed ay ka qaadan karaan horumarka qaranka.
Dhinaca kale, xubnaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida ayaa soo dhaweeyey dadaallada wasaaraddu ugu jirto horumarinta magaalooyinka iyo nidaamka maamulka dawladaha hoose ee dalka, iyaga oo balan qaaday in ay doorkooda ka qaadan doonaan fududeynta sharciyadda iyo hagidda geedi-socodka horumarineed.
Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli ay wasaaraddu dardar gelisay qorsheyaal waaweyn oo la xidhiidha dib-u-habaynta nidaamka horumarineed ee magaalooyinka dalka iyo tayaynta adeegyada asaasiga ah, kuwaas oo lagu doonayo in lagu gaadho horumar la taaban karo oo gaadha dhammaan bulshooyinka ku dhaqan magaalooyinka Somaliland.
Tallaabo kasta oo lagu horumarinayo dawladaha hoose waa tiir lagu dhisayo dawladnimo ku saleysan adeeg, kalsooni, iyo hufnaan. Iskaashi waara ayaa ah furaha horumar joogto ah.