hadhwanaagnews
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Horumarinta Dadweynaha (UNFPA) ayaa si wadajir ah isaga kaashanaya dhisidda awooda xog-ururinta, tirakoobka dalka, horumarinta adeegyada bulshada, sameynta daraasadaha muhiimka ah, iyo tababaridda shaqaalaha ee ku saabsan statistikada.
Iskaashigan ayaa sidoo kale lagu xoojinayaa xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dhinac, taasoo ka tarjumaysa go’aamada wax ku oolka ah ee la xidhiidha in si wadajir ah loo taageero qorsheynta istaraatiijiga ah, horumarinta bulshada Somaliland iyo fidinta adeegyo waxtar leh. Iyada oo la xoojinayo qorshayaasha iyo tababarro lagu xaqiijinayo in hay’adaha qaranka JSL ay helaan awood buuxda oo xog-ururin iyo falanqayn ku saabsan baahiyaha dadweynaha, taasoo qeyb ka ah yoolka guud ee horumarinta dalka.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda, ayaa shalay kulan istaraatiiji ah la qaatay Wakiilka Hay’adda UNFPA ee Somaliland, Dr. Mary Otieno, kaas oo diiradda lagu saaray qodobo dhawr ah oo la xidhiidha horumarka qaranka. Kulankan ayaa noqday tusaale muuqda oo ka tarjumaya sida iskaashiga caalamiga ah uu muhiim ugu yahay horumarinta bulshada iyo dhisidda awooda shaqaalaha ee Somaliland.
Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa ayaa weftiga uga mahadceliyey wada shaqaynta wanaagsan ee labada dhinac, taas oo si muuqata uga tarjumaysa mashaariicda horumarineed ee hay’addu ka taageerto dalka. Dr. Mary Otieno ayaa dhankeeda uga mahadcelisay soo dhoweynta Wasaaradda, isla markaana ballan qaaday in UNFPA ay sii wadi doonto xoojinta iskaashiga iyo xidhiidhka dhow ee labada dhinac, si loo hormariyo adeegyada la xidhiidha xogta, tirakoobka, iyo mashaariicda horumarineed ee bulshada.