HADHWANAAGNEWS
Maareeyaha Haamaha Kaydka Shiidaalka Qaranka, Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme, ayaa sheegay in ay ganacsatada shiidaalka isla garteen in la kordhiyo kaydka shiidaalka dalka la keeno, si looga hortago kala-go’ ku yimaadda sahayda, xilli ay dagaallo ka socdaan Bariga Dhexe.
Maareeyuhu wuxuu caddeeyey in la sameeyey qiimeyn ku saabsan:
Xaaladda guud ee amni iyo dhaqaale ee saamayn karta sahayda
Kaydka shiidaalka ee hadda dalka yaalla
Duruufaha ka dhalan kara xiisadaha Bariga Dhexe, maadaama Somaliland ku tiirsan tahay marin-biyoodkaas
Is-afgarad lala yeeshay ganacsatada
Maareeye Dhamme ayaa sheegay in ganacsatada lala isla gartay:
In la keeno kayd iyo badeeco ku filan dalka
In aanay dhicin kala-go’ sahayda
In aan duruufaha dagaallada looga faa’iidaysan shacabka
"Waxaan ganacsatada isla garanay in aanu kala go’in kaydku oo la keeno badeecad iyo kaydad shiidaal oo inagu filan, maadaama aan la garanayn muddada uu dagaalku soconayo. Duruufaha jira loogama faa’iidaysan karo shacabka,” ayuu yidhi Maareeyuhu.
Xukuumaddu Maxay Samaynaysaa?
Wuxuu intaas ku daray in xukuumaddu qaadi doonto tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo:
Xasiloonida suuqyada
Qiimaha badeecadaha iyo shiidaalka
Daryeelka danaha shacabka
Maareeyuhu waxa uu ugu dambayn ugu baaqay ganacsatada inay muujiyaan masuuliyad qaran, isla markaana laga wada socon doono wixii xaalado cusub ah ee ka dhasha xiisadaha Bariga Dhexe.