DEG DEG Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland oo Hambalyo Ciidul-Fidri u Diray Ciidamada Qaranka

Friday March 20, 2026 - 18:14:55
hadhwanaagnews
Waxa uu ku bogaadiyay Ciidanka Qaranka doorka ay ka qaataan ....



Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, S/Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan geesiyaasha Ciidanka Qaranka, munaasibadda barakaysan ee Ciidul-Fidriga awgeed.


 

Taliyuhu waxa uu hambalyadaasi u diray saraakiisha sare, saraakiisha dhexe, saraakiil-xigeennada, aliflayda iyo dablayda, isaga oo sidoo kale xusay kaalinta muhiimka ah ee ay leeyihiin qoysaska ciidamada, oo ay ku jiraan xaasaskooda iyo carruurtooda.


 

Waxa uu ku bogaadiyay Ciidanka Qaranka doorka ay ka qaataan ilaalinta qaranka, difaaca dalka iyo sugidda amniga, isaga oo u rajeeyay ciidanka iyo qoysaskoodaba farxad, caafimaad iyo nabad waarta munaasibadda Ciidda.


 

Dhambaalka Taliyaha ayaa ka tarjumaya qiimaha iyo ixtiraamka loo hayo ciidamada Qaranka, kuwaas oo had iyo jeer u taagan badbaadada iyo jiritaanka dalka Somaliland.

     
Loading...