HADHWANAAGNEWS
Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta xarumaha waxbarashada ee suuqyada gobolka Maroodi Jeex, si loo xoojiyo tayada iyo nidaaminta waxbarashada.
Kulanka ayaa lagu isla gartay in xarumahaasi ay u hoggaansamaan heerarka waxbarasho ee dalka, iyadoo sidoo kale si qoto dheer loo falanqeeyay caqabadaha jira sida qalab yarida iyo cidhiidhiga xarumaha.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in la sameeyo kormeer joogto ah iyo in la xoojiyo wada-shaqaynta, si loo horumariyo adeegyada waxbarasho loona hubiyo tayada waxbarashada ee ardayda.