HADHWANAAGNEWS
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Somaliland, Mudane Xuseen Axmed Caydiid, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madax ka kala socday shirkadaha Royal Diamonds Group Ltd iyo UL-TEC TRADING oo xaruntoodu tahay dalka Israel.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo samayn lahaa iskaashi iyo wada-shaqayn u dhexeysa Wasaaradda Hawlaha Guud iyo shirkadahaasi, gaar ahaan dhinacyada dhismaha, dhulka iyo guriyeynta.
Shirka oo uu shir-guddoominayay wasiirka ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Royal Diamonds Group Ltd, Mr. David Patish, Maamulaha UL-TEC TRADING, Mr. Nir Sadeh, Madaxa Somaliland Invest & Trade iyo Xoghayaha gaarka ah ee wasiirka.
Wasiirka Hawlaha Guud ayaa uga mahadceliyay madaxda shirkadaha booqashadooda iyo xiisaha ay u muujiyeen iskaashiga, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada shaqayntu si loo horumariyo kaabayaasha dalka.