HADHWANAAGNEWS
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa tababbar laba maalmood socday u qabatay agaasimayaasha waaxyaha cududda shaqaalaha ee wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dalka, kaas oo ku saabsanaa qorshaynta iyo qiimaynta hawl-qabadka shaqaalaha dawladda JSL.
Tababbarkan ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin:
Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Xasan Xuseen Cabdi "Xaydar”
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Siciid Muuse Xoosh "Rooble”
Xubin ka tirsan Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Mudane Cabdirashiid Axmed Warsame
Ujeeddada Tababbarka
Tababbarkan waxaa diiradda lagu saaray:
Sida loo sameeyo qorshayn wax-ku-ool ah
Habka qiimaynta sannadlaha ah ee shaqaalaha
Dhismaha nidaam caddaalad ah oo hufan
Kor u qaadidda wax-qabadka shaqaalaha
Masuuliyiintii hadalka ka jeediyay munaasibadda ayaa ku adkeeyay in aqoonta iyo xirfadaha laga faa’iiday tababbarkan lagu dabaqo qiimaynta sannadlaha ah ee shaqaalaha dawladda, si loo helo nidaam shaqo oo ku dhisan hufnaan, isla-xisaabtan iyo caddaalad.
Tababbarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo maamul-wanaagga iyo horumarinta cududda shaqaalaha dawladda Somaliland.