Wasiirka Duulista Somaliland oo Baaq u Diray Shacabka iyo Dawladda

Saturday February 28, 2026 - 14:32:14
HADHWANAAGNEWS
In la xoojiyo midnimada bulshada



Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in loo baahan yahay midnimo qaran oo ay wada yeeshaan shacabka iyo xukuumaddu, si loo difaaco qaranka Somaliland oo uu sheegay inuu wajahayo caqabado iyo cadow dibadeed.

 

Wasiirka ayaa tilmaamay in Somaliland ay leedahay cadow badan iyo faragelin shisheeye, isla markaana ay jiraan dad aan ku faraxsanayn horumarka dalka, taas oo uu sheegay inay lagama maarmaan ka dhigayso in la xoojiyo difaaca qaranka iyo wadajirka bulshada.

 

Wasiirka ayaa yidhi:

"Dalkeenu maanta cadow badan ayuu leeyahay, gacmo shisheeye oo badan ayaa jira, dad badan oo raalli ka ahayn horumarka dalkeena usoo kordha ayaa jira, markaa waa inaan ka wada shaqayno sidii aynu Qarankeena u difaacan lahayn.”

 

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyey kulan uu la qaatay guddiga Beeshiisa ee Hoodaale, halkaas oo uu ku adkeeyey:

 

In la xoojiyo midnimada bulshada

 

In la ilaaliyo qarannimada Somaliland

 

In la iska kaashado difaaca dalka

 

Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyey in difaaca qaranku aanu ahayn shaqada ciidanka oo keliya, balse ay masuuliyad ka saaran tahay dhammaan shacabka iyo hay’adaha dawladda.

     
Loading...