Safiirka Cusub ee Somaliland ee Israa'iil Oo Shaaciyay Qorshihiisa Diblomaasiyadeed

Saturday February 28, 2026 - 14:48:56
HADHWANAAGNEWS
Kor u qaadista sumcadda Somaliland



Safiirka cusub ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay dalka Israa’iil, Danjire Maxamed Xaaji, ayaa shaaciyay in safiirnimadiisu aanay ku koobnaan doonin dalka Israa’iil oo keliya, balse uu ka hawlgali doono waddamo kale oo kala duwan si loo ballaadhiyo xidhiidhada diblomaasiyadeed ee Somaliland.


 

Danjiraha ayaa sheegay in xilka loo igmaday uu yahay mid leh awood buuxda oo dhammaystiran, isla markaana lagu gaadhsiin doono Somaliland fagaarayaasha caalamiga ah iyadoo la garaacayo albaabo cusub oo diblomaasiyadeed.


 

Wuxuu sheegay in safiirnimadiisu noqon doonto mid ku dhisan:

 

Aragti fog iyo himilo qaran

 

Ballaarinta xidhiidhada caalamiga

 

Kor u qaadista sumcadda Somaliland

 

Danjire Maxamed Xaaji ayaa sidoo kale u mahadceliyay Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo shacabka Somaliland kalsoonida ay siiyeen.


 

Xoojinta Xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil

 

Safiirku wuxuu caddeeyay inuu mudnaanta koowaad siin doono xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil, isaga oo sheegay in labada dhinac ay iskaashi ballaadhan ka yeelan karaan dhinacyo badan sida:


 

Ammaanka

 

Dhaqaalaha

 

Tiknoolajiyadda

 

Diblomaasiyadda

 

Horumarinta


 

Danjiruhu wuxuu ballanqaaday inuu xilka ku gudan doono daacadnimo, karti iyo go’aan adag, si loo xaqiijiyo himilooyinka qaranka, loona dhiso xidhiidh istiraatiiji ah oo waara.


 

Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in safiirnimadiisu ay noqon doonto mid kor u qaadda joogitaanka Somaliland ee caalamka, isla markaana ka shaqaysa dano wadaag, xasillooni gobolka ah iyo horumar waara.

     
Loading...