Wasiirka Beeraha Somaliland oo La Kulmay Maalgashadayaal Danaynaya Horumarinta Biyaha iyo Beeraha

Saturday February 28, 2026 - 15:11:45
HADHWANAAGNEWS
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray:



Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Cige Yuusuf ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay xubno wakiil ka ah maalgashadayaal doonaya inay Somaliland ka sameeyaan maalgashi, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo maaraynta biyaha si kor loogu qaado wax-soo-saarka beeraha.


 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray:

 

Kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha

 

Horumarinta nidaamyada biyaha

 

Fursadaha maalgashi ee Somaliland

 

Iskaashi waara oo lagu xoojinayo beeraha

 

Wasiirka waxa kulanka ku wehelinayey Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Beeraha Maxamed Sahal, kaas oo ka qayb qaatay falanqaynta qorshayaasha horumarineed ee la xidhiidha beeraha iyo biyaha.


 

Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah soo jiidashada maalgashiga dibadda iyo xoojinta wax-soo-saarka beeraha Somaliland, gaar ahaan xilligan ay abaartu saamayn ku yeelatay wax-soo-saarka dalka.

     
Loading...