hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, Cabdillaahi Xasan Aadan, ayaa magaalada Berbera kaga qeyb galay kulan looga hadlayay saameynta ay xiisadaha iyo dagaallada Bariga Dhexe ku yeesheen ganacsiga caalamiga ah, gaar ahaan howlaha ka socda Dekedda Berbera.
Wasiirka ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha ka dhashay xaaladahaasi, isla markaana loo xoojin lahaa adeegyada iyo shaqooyinka muhiimka ah ee dekedda.
Intii uu kulanku socday ayaa si gaar ah looga dooday habka ugu habboon ee loo dedejin karo dejinta badeecadaha ay maraakiibtu keenaan, si loo yareeyo dib-u-dhacyada saameyn kara ganacsiga iyo isu socodka badeecadaha.
Cabdillaahi Xasan Aadan ayaa sidoo kale xusay in maamulka Dekedda Berbera ay dadaal xooggan geliyeen sugidda habsami u socodka adeegyada dekedda, balse loo baahan yahay qorsheyn iyo diyaar-garow joogto ah oo lagula tacaalo xaalad kasta oo degdeg ah.
Dhankiisa kale, wasiirku wuxuu tilmaamay in xilligan lagu jiro moosinka Xajka oo ay sare u kacdo dhoofinta xoolaha, taas oo muhiim ka dhigaysa in la dardargeliyo howlaha la xiriira xoolaha ka baxaya Dekedda Berbera.