hadhwanaagnews
Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, ayaa sheegay in xooluhu ay laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha dalka, isla markaana ay yihiin il dhaqaale oo muhiim ah oo door weyn ka qaadata koboca dhaqaalaha qaranka.
Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabadda daahfurka Barnaamijka Xoolo-jire, isaga oo sharaxay muhiimadda ay xooluhu u leeyihiin dhaqaalaha Somaliland iyo kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin dakhliga dalka iyo horumarka bulshada.
Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa sheegay in xooluhu ay yihiin tiirka ugu weyn ee dhaqaalaha Somaliland, isagoo xusay in dakhliga ka soo xarooda xoolaha nool iyo wax-soo-saarkoodu uu laf-dhabar u yahay hawlaha waaweyn ee qaranka.
Waxa uu yidhi: "Xooluhu waa il weyn oo dhaqaale badan dalka ka soo galo.”
Dhankiisa, Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa ku bogaadiyey Shirkadda Micro-Dahab hirgelinta Barnaamijka Xoolo-jire, isagoo sheegay in barnaamijkani door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta adeegyada xannaanada xoolaha, casriyeyntooda iyo kor u qaadista wax-soo-saarka, taas oo wax weyn ku biirin doonta koboca dhaqaalaha Somaliland.