HADHWANAAGNEWS
Warbixin caalami ah oo uu baahiyay Telefishanka TV5 Monde ayaa si qoto dheer u falanqaysay wejiga cusub ee diblomaasiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeeladaha firfircoon ee ay xukuumaddu u adeegsanayso aqoonsi raadinta caalamiga ah.
Warbixintu waxay tilmaantay in ka dib 35 sano oo halgan diblomaasiyadeed ah, Somaliland ay u gudubtay marxalad cusub oo ku dhisan:
Diblomaasiyad dhaqaale
Dan-wadaag istiraatiiji ah
Iskaashi ganacsi iyo maalgashi
Waxaa lagu sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ay ka gudubtay siyaasad hore oo ku koobnayd dalbashada aqoonsiga oo keliya, isla markaana ay hadda xoogga saarayso diblomaasiyad ku dhisan is-weydaarsi danaha ah (mutual interests).
Aqoonsiga Israa’iil oo Saameyn Ku Yeeshay Siyaasadda Dibadda????????
Warbixinta TV5 Monde ayaa xustay in aqoonsigii ay Israa’iil siisay Somaliland dabayaaqadii 2025 uu furay albaab cusub oo sare u qaaday doodda aqoonsiga Somaliland, gaar ahaan gudaha Mareykanka ????????.
Waxaa la sheegay in:
Xiisaha siyaasadda Mareykanka ee Somaliland uu sii kordhayo
Siyaasiyiin miisaan leh, gaar ahaan xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, ay taageerayaan aqoonsiga Somaliland
Senator Ted Cruz uu ka mid yahay siyaasiyiinta u ololeeya aqoonsiga Somaliland.
Istiraatiijiyadda "Danaha Is-weydaarsiga”
Warbixintu waxay si gaar ah u falanqaysay istiraatiijiyadda cusub ee Somaliland oo lagu magacaabay "Danaha Is-weydaarsiga ah”, taas oo ku dhisan:
Saldhigyo milatari oo suurtagal ah
Maalgashiga khayraadka dabiiciga ah
Ilaalinta amniga Badda Cas
Iskaashi dhow oo lala yeesho Mareykanka
Warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland ay isu soo bandhigtay dunida, gaar ahaan Mareykanka, saaxiib istiraatiiji ah oo muhiim u ah loolanka ka socda Geeska Afrika iyo marinka Badda Cas.
Mustaqbalka Aqoonsiga Somaliland
Gabagabadii, warbixinta TV5 Monde ayaa sheegtay in mustaqbalka aqoonsiga Somaliland uu si dhow ugu xidhan yahay:
Isbeddellada siyaasadeed ee Geeska Afrika
Muhiimadda marinka Badda Cas
???????? Danaha Mareykanka ee gobolka
Warbixintu waxay ku soo gunaanadday in sanadaha soo socda ay Washington go’aan ka gaadhi karto aqoonsiga Somaliland, iyadoo lagu qiimeyn doono muhiimadda istiraatiijiga ah ee ay Somaliland u leedahay gobolka.