Somaliland Hamigeedu Wuu Socdaa – Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta JSL

Saturday February 28, 2026 - 14:20:44
HADHWANAAGNEWS
"Somaliland hamigeedu wuu soconayaa wanaa ka midho...



Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in hamiga Somaliland uu sii soconayo isla markaana uu midho dhalin doono, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka muuqato masayr ku aaddan horumarka Somaliland.

 

Wasiir Ku-xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyey in cid kasta oo Somaliland dhib ku haysa loo baahan yahay in lagu jawaabo si xikmad leh oo aqoon, ilbaxnimo iyo waayo-aragnimo ku dhisan, halkii laga isticmaali lahaa hadallo cay ah ama falal aan habboonayn.

 

Wuxuu yidhi:

 

"Somaliland hamigeedu wuu soconayaa wanaa ka midho dhalinaysaa, Soomaaliyana masayrkaas ayay ku jiraysaa. Ciddii dhib inagu haysana waa in aan jawaab mudan oo aqoon, ilbaxnimo iyo waayo-aragnino ku dheehan tahay siinaa innaga oo aan caytamaynin oo sida Fiqiga Xamar aan u hadlaynin.”

 

Wasiir Ku-xigeenku wuxuu sheegay in muhiim ay tahay in doodaha siyaasadeed lagu wajaho hab deggan oo masuuliyadi ku jirto, si loo ilaaliyo sumcadda iyo qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

     
Loading...