HADHWANAAGNEWS

Wefti ka socday Komishanka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (KTS) oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Safaaradda Somaliland ee Kenya.
Weftiga ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyey Safiir-ku-xigeenka Somaliland ee Kenya, Mudane Sharmaake Geelle, oo uga mahadnaqay xubnaha Komishanka Tacliinta Sare iyo kooxda PIU booqashadooda iyo warbixinta ay ka siiyeen safarkooda shaqo ee Nairobi, kaas oo uu sheegay inuu si guul leh ku soo dhammaaday.
Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Komishanka Tacliinta Sare ayaa uga mahadnaqay Safaaradda Somaliland ee Kenya soo dhoweynta qiimaha badan ee ay u sameeyeen weftiga, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta safaaradaha iyo hay’adaha waxbarashada.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo:
Horumarinta tacliinta sare
Xidhiidhka caalamiga ah ee waxbarashada
Iskaashiga hay’adaha Somaliland iyo dibadda
Safarka weftiga Komishanka Tacliinta Sare ee Nairobi ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ahaa xoojinta iskaashiga waxbarashada iyo horumarinta tacliinta sare ee Somaliland.