HADHWANAAGNEWS
Toddobaadkii hore, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Waleed Elkhereiji, ayaa u safray Asmara halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki. Maanta ayuu mar kale gaaray Addis Ababa, halkaas oo wada-hadallo kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timotheos.
Dhaqdhaqaaq Diblomaasiyadeed oo Sii Xoogeysanaya
Muddo ka yar bil gudaheed, tani waa markii saddexaad ee wada-hadallo dhex maraan Addis Ababa iyo Riyadh.
Saddex toddobaad ka hor, Gedion Timotheos ayaa u safray Riyadh, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa Sacuudiga iyo saraakiil kale, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo gobolka khuseeya.
Toddobaad ka hor, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Faisal bin Farhan, ayaa isaguna tagay Addis Ababa, wuxuuna la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.
Maantana, Waleed Elkhereiji ayaa mar kale Addis Ababa gaadhay.
Xiisad Gobolka Ka Taagan
Tallaabooyinkan is-daba-joogga ah waxay muujinayaan in xiisadda gobolka ay marayso heer sare, isla markaana dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ay si xawli ah u socdaan.
Sacuudiga ayaa loo arkaa inuu isku dayayo inuu ka hortago in xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Eritrea isu beddesho gacan ka hadal, xilli Abiy Ahmed uu ku celcelinayo in Itoobiya aysan ku sii jiri karin xaalad bad-la’aan ah. Hadalladan ayaa sare u qaadaya walaaca ku saabsan mustaqbalka nabadda iyo isu-dheellitirka awoodaha ee Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada ku saabsan natiijada wada-hadalladan, balse dhaq-dhaqaaqyada socda ayaa muujinaya in arrimaha Geeska Afrika ay noqdeen ajande muhiim ah oo heer gobol iyo heer caalami ah.