HADHWANAAGNEWS

Badhasaabka gobolka Salel ayaa si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Isu-duwihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka gobolka Salel iyo Isu-duwaha cusub ee loo soo magacaabay xafiiskaas.
Munaasibadda xil-wareejinta ayaa ka qabsoontay xafiiska Badhasaabka gobolka Salel, halkaas oo ay masuuliyiintu si rasmi ah ugu kala wareegeen xilka. Intii ay socotay munaasibaddu, Badhasaabka gobolka ayaa labada masuul kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha kale ee gobolka.
Ugu dambayn, Badhasaabku waxa uu uga mahadceliyay isu-duwihii hore shaqadii uu soo qabtay mudadii uu xilka hayay, isagoo isu-duwaha cusubna u rajeeyay inuu guul ka gaadho hawlaha loo igmaday ee horumarinta adeegyada caafimaadka ee gobolka Salel.