Wasaaradda Gaadiidka Somaliland Oo Beenisay Eedeymo Ku Saabsan Heshiis Lagu Sheegay Inay La Gashay Shaqsi

Thursday March 12, 2026 - 21:31:34
hadhwanaagnews
Muuse Yuusuf Ibraahim ayaa sheegay in shakhsigaasi ku dooday,,,,



Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Muuse Yuusuf Ibraahim, ayaa ka jawaabay eedeymo dhowaan loo jeediyay wasaaradda, kuwaas oo ka yimid nin warbaahinta ka hadlay 10-kii Maarso 2026, isla markaana magaciisa ku sheegay Maxamed Xasan Soomaali.


 

Agaasimuhu wuxuu sheegay in hadalladaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana u muuqda eedeyn iyo aflagaado aan ku dhisnayn xaqiiqo.


 

Muuse Yuusuf Ibraahim ayaa sheegay in shakhsigaasi ku dooday inuu heshiis ka haysto wasaaradda, kaas oo la xidhiidha kaalin ku taalla gudaha Waaxda Gaadiidka iyo Farsamada ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu caddeeyay in baadhitaan ay sameeyeen kadib ay ogaadeen in aanu jirin wax heshiis ah oo magaca shakhsigaasi ku qoran.


 

"Waxaan doonayaa inaan caddeeyo eedaymaha maalmihii u dambeeyay loo jeediyay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. Shakhsiga warbaahinta ka hadlay ee magiciisa ku sheegay Maxamed Xasan Soomaali, waxaan caddeynaynaa in aanu jirin wax dokument ama heshiis ah oo wasaaradda uga diiwaangashan magaciisa,” ayuu yidhi Agaasimuhu.


 

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in wasaaraddu hayso heshiis ku qoran magac qof kale, balse heshiiskaasi aanu waafaqsanayn sharciga, isla markaana shakhsiga eedeymaha jeediyay aanu xusin in magaciisu ku qoran yahay waraaqdaasi.


 

Muuse Yuusuf Ibraahim ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay goobta la sheegay in laga furi lahaa kaalin ganacsi, isaga oo sheegay in goobtaasi ku taallo gudaha xarunta Waaxda Gaadiidka iyo Farsamada, taas oo ka dhigaysa mid aan suurtagal ahayn in ganacsi laga dhex sameeyo xarun wasaaradeed.


 

"Goobtan waxay ku dhex taallaa Waaxda Gaadiidka iyo Farsamada, gudaha xayndaabka wasaaradda. Halkaas waxaa ku yaalla hoosta gaadiidka, waxayna xafiiskayga u jirtaa qiyaastii 150 mitir. Sidaa darteed, suurtagal ma aha in xarun ganacsi laga dhex furo xarun wasaaradeed,” ayuu yidhi.


     
Loading...