Masar oo Soo Jeedisay Iskaashi ku Saabsan Marin Badda Cas ah oo Itoobiya Hesha

Tuesday February 24, 2026 - 12:33:56
HADHWANAAGNEWS
Digniin Aan Toos Ahayn



Warbixin uu daabacay wargeyska The National ee xaruntiisu tahay Abu Dhabi ayaa sheegtay in Masar ay diyaar u tahay inay la shaqeyso dalalka Afrika si Itoobiya loogu helo marin ay ku gaarto Badda Cas, haddii Addis Ababa ay muujiso dabacsanaan ku aaddan muranka biyaha Webiga Niilka.

 

Soo Jeedin Loo Gudbiyay Itoobiya

 

Sida lagu sheegay warbixinta, hindisahan ayaa toddobaadkii hore loo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, isla markaana lala wadaagay Mareykanka. Warbixintu waxay xustay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu muujiyay daneyn ku aaddan dhexdhexaadinta muranka tobanka sano jirsaday ee la xidhiidha saamiga biyaha Niilka, gaar ahaan kaddib dhismaha biyo-xireenka weyn ee Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD).

 

Digniin Aan Toos Ahayn

 

Warbixintu waxay tilmaantay in soo jeedinta Masar ay sidoo kale xambaarsan tahay digniin aan toos ahayn, taas oo ah in Qaahira ay adeegsan karto saameynteeda siyaasadeed iyo mid milatari ee ay ku leedahay Sudan, Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo sidoo kale joogitaankeeda badeed ee koonfurta Badda Cas, si ay u xaddiddo marin-u-helidda Itoobiya ee dekedaha dalalkaas, haddii ay diido hindisaha la soo bandhigay.

 

Ilaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Addis Ababa ama Qaahira oo ku saabsan warbixintan, waxaana arrintan loo arkaa mid xasaasi ah oo saameyn ku yeelan karta isu-dheellitirka juqraafiyeed ee Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

     
Loading...