Iran oo ku dhawaaqday in Marinka Hormuz u furan yahay maraakiibta ganacsiga inta lagu jiro xabad-joojinta

Friday April 17, 2026 - 19:00:34
hadhwanaagnews
Xabad-joojintan oo la filayo inay socoto muddo 10 maalmood


Dowladda Iran ayaa si rasmi ah u shaacisay in marinka muhiimka ah ee Hormuz uu si buuxda ugu furan yahay maraakiibta ganacsiga, xilli ay socoto xabad-joojin u dhaxaysa Israa’iil iyo Lubnan.


Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Cabbas Araqchi, ayaa sheegay in maraakiibta ganacsigu ay si caadi ah u mari karaan marinka, iyaga oo raacaya waddooyin hore loo qorsheeyey. Wuxuu xusay in amniga marinka la sugayo inta uu socdo heshiiska xabad-joojinta.


Xabad-joojintan oo la filayo inay socoto muddo 10 maalmood ah ayaa weli wajahaysa shaki la xiriira in dhammaan dhinacyadu si buuxda u ixtiraami doonaan heshiiska.


Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isna xaqiijiyay in marinka la furay, balse wuxuu caddeeyay in xayiraadaha ciidan ee Mareykanka ay sii jiri doonaan ilaa laga gaaro heshiis rasmi ah oo lagu soo afjarayo colaadda.


Warbaahinta Iran ayaa sidoo kale sheegtay in maraakiibta rayidka ah oo keliya loo oggolaan doono inay maraan marinka, iyada oo aan looga baahnayn oggolaansho gaar ah, taasoo muujinaysa fududeyn la sameeyay si ganacsigu u sii socdo.

     
Loading...