HADHWANAAGNEWS
Hoggaanka xisbiga KULMIYE ayaa kulan afur ah ku yeeshay huteelka Maansoor, iyaga oo la kulmay qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka ah, gaar ahaan kuwa u dooda ka qaybgalka haweenka iyo dadka nugul ee siyaasadda dalka
Kulanka waxaa hoggaaminayey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, waxaana ku weheliyey:
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Cabdicasiis Maxamed Samaale
Guddoomiye ku-xigeenka 3aad Saleebaan Cali Koore
Xoghayaha Guud iyo masuuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan.
Arrimaha laga Wadahadlay
Kulankan waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray:
Doorashooyinka Baarlamaanka ee soo socda
Ka qaybgalka haweenka ee siyaasadda
Xoojinta doorka dadka nugul
Caqabadaha jira iyo xalalka suurtogalka ah
Waxaa kulanka ka qayb galay ururrada:
Center for Democracy and Governance (CDG)
Center for Inclusive and Accountable Governance (CIAG)
Ujeeddada Kulanka
Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay:
In dumarku helaan fursad siyaasadeed oo ballaadhan
In la kordhiyo ka qaybgalka bulshada rayidka ah
In la helo doorasho loo dhan yahay
Kulankan ayaa loo arkaa mid qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo dimuqraadiyadda iyo ka qaybgalka
bulshada ee siyaasadda Somaliland.