Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ayaa shalay magaalada Hargeysa ku qabatay kulan lagu soo bandhigay natiijooyinka ka soo baxay dib-u-eegista iyo qiimaynta dhexe ee Qorshaha Horumarinta Qaranka Saddexaad (NDP III), gaar ahaan qaybta waxbarashada iyo mudnaanta ay leedahay.
Kulankan oo qayb ka ahaa geeddi-socodka qiimaynta guud ee Qorshada horumarinta qaranka 3aad, kaas oo lagu eegayo heerka uu marayo hirgelinta qorshaha, si loo ogaado horumarka la gaadhay, caqabadaha jira, iyo meelaha u baahan in dibu eegis lagu sameeyo si qorshuhu u noqdo mid waafaqsan baahiyaha bulshada iyo himilooyinka horumarineed ee dalka.
Kulanka ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada barbaarinta iyo Sayniska, Maxamed Yuusuf Ibraahim Faacuul iyadoo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socday Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, hay’adaha horumarineed iyo ururrada wada shaqeeya ee la xidhiidha waxbarashada.
Munaasibaddan lagu eegayey geeddi-socodka qiimaynta guud ee Qorshada horumarinta qaranka 3aad ayaa waxa soo agaasimay Wasaaradda Waxbarashada barbaarinta iyo Sayniska Somaliland, iyadoo ay gacan ka geysanayeen Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka iyo hay’adaha ku bahoobay wadaagaha waxbarashada.
Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Isku-duwidda ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Muna Cabdi Axmed, ayaa sharraxday ujeeddada kulanka iyo muhiimaddiisa. Waxay sheegtay in qiimaynta dhexe ay kaalin muhiim ah ka ciyaarayso fahamka heerka uu marayo hirgelinta yoolalka waxbarashada, taas oo gacan ka geysan doonta dardargelinta qorshayaasha lagu horumarinayo tayada waxbarashada, kor u qaadista helitaanka adeegyada waxbarasho, iyo kobcinta xirfadaha dhalinyarada.
Intii uu kulanku socday, waxaa la soo bandhigay xog ururin iyo falanqayn muujinaysa horumarka laga sameeyay yoolalka waxbarashada ee NDP III, kuwaasi oo ay ka mid yihiin:
Horumarinta iyo tayeynta manhajka waxbarashada, dhismaha iyo ballaadhinta kaabayaasha waxbarashada, tababarrada iyo kobcinta xirfadaha macallimiinta, iyo dhiirrigelinta cilmi-baadhista iyo horumarinta sayniska.
Masuuliyiintii ka hadashay kulanka ayaa si wadajir ah u adkeeyay muhiimadda xog-ku-saleynta qorsheynta iyo isku-duwidda horumarka qaranka, iyagoo tilmaamay in natiijooyinka qiimaynta dhexe ay muhiim u yihiin qorsheynta wejiyada soo socda ee Qorshaha Horumarinta Qaranka Saddexaad.
Ugu dambayntii, kulanka ayaa lagu soo gunaanaday is-fahan guud oo lagu heshiiyay in natiijooyinka qiimaynta dhexe laga duwo qorshayaasha mustaqbalka, si loo xaqiijiyo in Qorshaha Horumarinta Qaranka uu si hufan uga jawaabo baahiyaha bulshada iyo himilooyinka horumarineed ee Somaliland.