hadhwanaagnews
Hoggaanka sare iyo taliyayaasha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca, xirfadaha ciidan, iyo horumarinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada diblumaasiyadda iyo milatariga. Tallaabooyinkan ayaa ka mid ah dadaallada xukuumadda JSL ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, si loo horumariyo ciidanka qaranka loona xaqiijiyo amniga guud ee dalka.
Tan iyo markii ay dhalatay xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad, Ciidanka Qaranka Somaliland waxa uu si joogto ah u hirgeliyayay qorshayaal istaraatiijiyadeed oo la xidhiidha horumarinta tababarrada casriga ah, kobcinta aqoonta tignoolajiyada, iyo qalabaynta ciidamada. Qorshayaashaasi waxay kor u qaadeen xirfadaha ciidamada, awooddooda difaac, iyo sugidda xasilloonida gudaha iyo ilaalinta xuduudaha qaranka.
Dhacdooyinkan iyo barnaamijyadan tababarka ah ayaa sidoo kale muujinaya sida ay xukuumadda Somaliland u xoojisay xidhiidhka milatari iyo diblomaasiyadeed ee caalamka, gaar ahaan wadamada saaxiibka la ah Somaliland iyo kuwa gobolka. Waxa xoogga la saarayo iskaashi istaraatiiji ah oo ku saabsan nabadgelyada, tababarka ciidamada, iyo ilaalinta xuduudaha dalka.
Sidoo kale, Ciidanka Qaranka Somaliland waxa uu muujiyay horumar muuqda oo dhanka xirfadaha dagaalka, diyaar-garowga, iyo farsamooyinka casriga ah. Waxaa la aasaasay cutubyada cusub ee ciidamada gaarka ah (Special Forces Training Center), kuwaas oo lagu qalabeeyay hub casri ah iyo farsamooyin sirdoon oo horumarsan. Tababarka cutubyadan ayaa si gaar ah loogu asteeyay Dugsiga Cadaadley, kaas oo hadda noqday xarun istaraatiiji ah oo muhiim u ah diyaarinta cutubayada, isla markaana si joogto ah u soo saara guutooyin cusub.
Cutubkan gaarka ah waxaa lagu tababaray xirfado casri ah oo la xidhiidha fulinta hawl-gallada qorshaysan iyo kuwa degdeg ah, Istaraatiijiyaddaha dagaalkaah, isticmaalka hub kala duwan (oo ay ku jirto toogashada fog/sniper), ururinta xogaha sirdoon, iyo qorsheynta hawlgallada heer gobol ama qaran. Tababarkani wuxuu la jaanqaadaya istaraatiijiyadda qaran ee difaaca, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, sugidda xuduudaha, iyo kobcinta is-ku-filnaanta difaaca, taas oo Somaliland u suurtagelinaysa inay si hufan uga jawaabto khataraha amni ee gudaha iyo gobolka.
Abaanduulaha Koowaad ee Ciidanka Qaranka JSL, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale (Afguduud), iyo saraakiil ka tirsan Taliska Guud ayaa 27-kii October 2025 kormeer shaqo ku tagay Dugsiga Tababarka Cadaadley, waxaanu ciidamada ku dhiirrigeliyay inay tababarkooda si hagar la’aan ah u dhamaystiraan, isaga oo xasuusiyay ciidanka furaha guushu ay ku xidhan tahay go’aan qaadasho dhab ah, adkaysi iyo dadaal joogto ah, waxaanu ku booriyay inay muujiyaan anshax-wanaag, isku duubni, iyo dadaal dheeri ah si ay ugu soo baxaan xirfadlayaal milateri oo diyaar u ah xaalad kasta oo difaaca iyo nabadgelyada dalka la xidhiidha.
Xidhiidhka Militeri ee Somaliland iyo Itoobiya:
Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka JSL, Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, oo uu wehliyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Somaliland, ayaa 16-ki October 2025 kulan la yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidanka Militeriga Itoobiya, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka labada waddan, gaar ahaan ilaalinta nabadgelyada iyo wada shaqaynta xadka dheer ee ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya.
Iskaashi Militeri oo Caalami ah:
Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga iyo Difaca Qaranka JSL ayaa kulan muhiim ah la qaatay wafti ka socda Boqortooyada Ingiriiska (UK), kaas oo uu hoggaaminayay Captain James Edwards (RN).
Kulankan ayaa lagaga wada hadlay wada shaqaynta Somaliland iyo UK, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, tababarka ciidamada iyo xoojinta xidhiidhka labada waddan. Taliyaha Guud, Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga iyo Difaaca Qaranka, Md Sayid Maxamed Yuusuf Cali, ayaa mahad naq ballaadhan u jeediyay weftiga ka socday dalka UK, sidoo kalena waxay sii sagootiyeen Captain James, oo xilkii shaqada soo gabagabeeyey, iyaga oo ku ammaanay doorkiisi wanaagsanaa ee uu ka soo qaatay wada-shaqaynta iyo xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo UK muddadii uu xilkaa hayay.
Gabagabo:
Dhacdooyinkan xidhiidhka ah ee isku sidkan, waxay si cad u muujinayaan sida ay Ciidanaada Qaranka JSL uga go’an tahay horumarinta xirfadaha casriga ah, tababarrada joogtada ah ee lagu kobcinayo aqoontooda iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah. Tallaabooyinkani waxay qayb muhiim ah ka yihiin ilaalinta nabadgelyada iyo xuduudaha qaranka, kobcinta xirfadaha milateri, iyo xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Somaliland, iyagoo sidoo kale ka tarjumaya himilooyinka istiraatiijiga ah ee ciidamada qaranka iyo doorkooda shariifka ah ee horumarinta dalka.