Ciidanka Suudaan oo Ciidamo Cusub u Diray Gobolka Blue Nile, Iyadoo Dagaalku Sii Kordhayo

Wednesday September 02, 2026 - 11:17:05
hadhwanaagnews
Dhanka kale, Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka IOM ayaa sheegtay



Khartoum (Hadhwanaagnews.com): Ciidanka Suudaan ayaa sheegay in cutubkii ugu horreeyey ee ciidamada wadajirka ah ee ka socda kooxaha hubaysan ee xulafada la ah dowladda uu gaadhay gobolka Blue Nile, si uu uga qayb qaato hawlgallada milatari ee ka dhanka ah xoogagga RSF.

 

Ciidanka Suudaan ayaa sheegay in ciidamada cusub ay xoojin doonaan cutubyada dowladda ee ku sugan gobolka, xilli ay sii kordhayaan iska horimaadyada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF).

 

Dhanka kale, Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 730 qof ay ka barakaceen shan tuulo oo ku yaalla Koonfurta Kordofan, kaddib markii xaaladda amni ee deegaannadaasi ay sii xumaatay.

 

Dadka barakacay ayaa ka soo qaxay tuulooyinka Umm Lawta, Daqaq Four, Zarami, Al-Lubana iyo Al-Sisban, iyadoo qaar ka mid ahi u guureen deegaanno kale oo ka tirsan Koonfurta Kordofan, halka kuwo kalena ay u gudbeen Waqooyiga Kordofan.

 

IOM ayaa sheegtay in xaaladda guud ee Koonfurta Kordofan ay weli tahay mid kacsan oo aan degganayn, iyadoo ciidamada Suudaan ay xoojinayaan hawlgalladooda milatari xilli colaadda dalka ka taagani ay sii fidayso.

     
Loading...