Wasaaradda Qorshaynta oo soo Saartay Warbixinta Deeqaha Caalamiga ah ee 2024-ka

Saturday November 01, 2025 - 15:23:03
hadhwanaagnews
Warbixinta ayaa muujisay intiirka Horumarinta Bulshada



Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka (MoPND) ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah u soo saartayWarbixinta Deeqaha Caalamiga ah ee dalka soo galay sanadkii 2024, taas oo muujinaysa hufnaanta, daahfurnaanta, iyo isla xisaabtanka maamulka dowladnimada.

Warbixintan ayaa si faahfaahsan u soo bandhigaysadoorka muhiimka ah ee deeqaha caalamiga ahku leeyihiin horumarinta Somaliland, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, iyo adeegyada bulshada. Waxaa sidoo kale lagu caddeeyey sida deeqahaasi loo waafajiyeyQorshaha Horumarinta Qaranka 3aad (NDP III)si loo xoojiyo isku-duwidda iyo is-waafajinta mashaariicda horumarineed.

Warbixinta ayaa muujisay intiirka Horumarinta Bulshada, oo ka kooban waxbarashada, caafimaadka, iyo Biyaha (biyo, nadaafad, iyo nadaafadda deegaanka), uu helay qaybta ugu weyn ee maalgelinta, oo gaadhaysain ka badan USD 90 milyan. Tani waxay muujinaysaa sida dowladda Somaliland ugu heellan tahay horumarinta nolosha bulshada iyo la-dagaalanka caqabadaha aasaasiga ah.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Marwo Kaltun Sh. Xasan Cabdi, ayaa sheegtay in warbixintani ay tahay aalad muhiim ah oo lagu xaqiijinayo hufnaan, maareynta ilaha dhaqaalaha si istiraatiiji ah, iyo dhisidda xogo daahfuran oo si fudud loo heli karo.

Maxaned Siciid Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, ayaa isaguna ku tilmaamay warbixinta mid ka tarjumaysa dadaal wadajir ah iyo iskaashi, taasoo kor u qaadeysa isku-duwidda deeqaha iyo isticmaalka waxtarka leh ee taageerada caalamiga ah.

     
Loading...