Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, oo kaashanaysa Hay’adda Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka, ayaa shalay soo saartay xeer nidaamiye cusub oo lagu maamulayo laguna xakameynayo qiimaha shidaalka, korontada, wakaaladaha biyaha iyo warshadaha wax soo saarka dalka. Xeerkan ayaa ka dhashay daraasad muddo afar bilood ah socotay, oo ay sameeyeen wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Tamarta iyo Macdanta, iyo hay’adaha kale ee dawladda.
Xukuumadda Somaliland ayaa tilmaamtay in qiimaha shidaalka iyo korontadu ay si toos ah u saameeyaan nolosha bulshada iyo horumarka warshadaha, iyada oo tallaabooyinkan la qaaday ay yihiin kuwo waafaqsan dhaqaalaha dalka, isla markaana ilaalinaya danta guud ee bulshada. Go’aannadan cusub ayaa sidoo kale xoojinaya qorsheyaal lagu dhiirrigelinayo wax-soo-saarka gudaha, isla markaana lagu taageerayo shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexe, kuwaas oo si rasmi ah loogu fududeynayo helitaanka adeegyada muhiimka ah.
Xeerkan ayaa dhigaya in isticmaalkaq shidaalka ay ku jirto maadadadasalfarta saraysaloo oggol yahay oo keliya shirkadaha korontada, wakaaladaha biyaha iyo warshadaha wax soo saarka, halka xaddiga salfarta ee shirkaduhu isticmaali karaan aanu ka badnaan karin3000 PPM. Waxaa sidoo kale lagu caddeeyey indawlada Somaliland ay keliya mas’uul ka tahay soo dejinta, kaydinta iyo iibinta shidaalkaniyadoo oo ay masuul ka noqon doonto hay’adda Kaydka Haamaha Shidaalka Qaranka.
Sidoo kale, xeerkan cusub ayaa dhigay in qiimaha korontada dalka dib-u-eegis lagu sameyeeyo iyada oo xukuumadda Somaliland sheegtay in lagu hirgelin doonaa muddo30 maalmood ah, laga bilaabo 4 Nofembar 2025 ilaa 3 Diseembar 2025.
Go’aannada ugu muhiimsan ee xeerkan waxaa ka mid ah: